Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Jaaliyada DDSI Ee Wadanka Australia


Melbourne(Cakaaranews) `Isniin 27ka March 2017. Waxaa magaalada Melbourne ee wadanka australia kadhacay kulan balaadhan oo ay si heer sare ah usoo qabanqaabiyeen jaaliyada udhalatay DDSI ee kudhaqan wadanka australia oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kaladuwan ee bulshada, xubnaha iyo mas'uuliyiinta jaaliyada, dhalinyarada, odayaal-dhaqameedka, haweenka, ururada bahwadaagta ah ee kasoo jeeda dawlad deegaanada dalkeena ee kunool wadankaasi iyo marti-sharaf kale.

Hadaba, kulankan oo ay jaaliyadu si meeqaam sare leh ugu maamuustay sanadguuradii 19aad ee kasoo wareegtay aas-aaska XDSHSI islamarkaana lagu daahfuray xafiiska guud ee jaaliyadu kuyeelanayso dalkaasi ayaa dhanka kalana jaaliyadu kaga jawaab bixisay xaalada abaarta ee kajirta qaar kamid ah gobolada deegaanka iyagoo kudhawaaqay deeq 1 (hal)milyan oo birr ah oo ay kaga qayb qaadanayaan abaarta ay keentay isbadalka cimiladu.



Iskusoo wada duuboo, mas'uuliyiinta jaaliyada, xubnaha iyo bahwadaagta kale ee dalkeena ee kusugan dalkaasi ayaa si wayn ugu mahadceliyay xukuumada federalka ah ee dalkeena, xukuumada deegaanka, hay'adaha amniga, ganacsatada, hay'adaha kale ee dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahaynba kaalinta baaxada leh ee ay kagaysteen kasamata-bixinta bulshada xaalada abaarta. waxaa kale oo ay umahadceliyeen shaqsiyaadkii kaalinta kagaystay abaarta iyo waliba soo qabanqaabiyeyaashii kulankan.


Ugudanbayna, kulankan ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyo niyad kamidaysan waxqabadka shacabka deegaanka.