MW CMC Iyo Waftigii Balaadhnaa Oo Ku Sugan Caleen

Caleen(Cakaaranews)  Isniin 27ka March 2017. waftigii balaadhanaa ee uu hogaaminyay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka magaalada qabridahar ooga ambabaxay dhanka degmada shilaabo iyagoo wafti intii dhexda kusii jireen sii maray mashiiriicaha biya xidheenka wayn ee maraacaato isalmarkaana madaxwaynaha ayaa sheegay in dhamaan mashiiricihii SDG la dhamaystiray wixii hada ka danbeeyana la manaafacaadsan doono. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa ku daray in hirgalinta mashaariicahan loo maray halgan adag oo miskax iyo maalba leh.

Waxayna madaxwaynaha iyo waftigu u jihaysteen dhanka degmada shilaabo iyagoo inatay dhexda sii socdeen sii maray tuulooyinka Tukaalay, Fooljeex, Sanwayne iyo dawacaale iyagoo bulshada uqaybinayay  raashin iyo biyo kulamana la yeelanayay bulshada islamarkaana u usheegayay in ay allah baryaan oo ay roob khayr qaba waydiistaan, Waxayna waftigu markay degmada shilaabo galeen ugasii gudbeen senterka lababaar ee degmada shilaabo iyagoo halkaas kulan kula qaatay bulshada islamarkaana uqaybiyay raashin iyo biyo.

Ugu danbayn waxay madaxwayne CMC iyo waftigu uga ambabaxeen degmada shilaabo dhinaca degmada wardheer ee gobolka doolo iyagoo waftigu caawa ku dheelmaday qabalaha caleen ee degmada shilaabo halkaas oo ay wakhti xaadirkan ku suganyihiin.