Mooyaale Iyo 1,095 Ruux Oo Aragoodii Indhaha Dib Uhelay

Moyaale(Cakaaranews) Khamiis 6da April 2017. Waxaa maalintii 3aad galay qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada mooyaale iyo nawaaxigeeda iyadoo maalmahii ugu danbeeyayba laga waday howlaha bulshada loogu soo celinayo aragooda, Ayaa waxaa indhaha loo qalay bulsho tiradoodu dhantahay 285 qof halka 810 qof laga daawaayay indhaha tasoo wadartoodu tahay in 1,095 qof dib uheleen aragooda indhaha.

Hadaba qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada mooyaale iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.

Ugu danbayn mashruucan qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee deegaanka ayaa ah mid ku wareega degmooyinka deegaanka iyagoo wakhti xaadirkan ku sugan degmada mooyaale ee gobolka dhaawa iyagoo oogasii gudbi doona degmooyinka kale ee deegaanka ee qorshaysan.