Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Munaasabad Lagu Sagootinayay Dhakhaatiirtii Deegaanka Axmaaradu U Soo Diray DDSI.

Jigjiga(Cakaaranews) Khamiis 13ka April 2017.  Munaasabad balaadhan oo lagu sagootinayay dhakhaatiirtii iyo xirfadlayaashii caafimaadka ee dawlad deegaanka axmaaradu u soo diray oo ka soo shaqeeyay qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka DDSI ayaa ka dhacday madasha shirarka ee kaali ee xarunta madaxtooyada DDSI.

Haddaba munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo uu ka mid yahay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha xidhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq, madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmaed Faarax, golaha wasiirada DDSI agaasimayaasha xafiisyada heer deegaan, wasiirka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka dawlad deegaanka axmaarada iyo dhakhaatiirtii lagu sagootinayay munaasabadan.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay munaasabadan madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo si meeqaam sare ah ugu mahad celiyay dawlada deegaanka axmaarada iyo dhakhaatiirtan loo soo diray DDSI ee sida xilkasnimada leh uga soo shaqeeyay qaarka mid ah gobolada iyo degmooyinka DDSI. Wuxuuna  madaxwaynahu intaa kudaray in xukuumada DDSI iyo shacabka DDSI aad ugu faraxsan yihiin uguna mahad naqayaan dhakhaatiirtan sida fiican ugarab istaagay shacabka DDSI ee adeega caafimaad gaadhsiiyay shacabka ku dhaqan degmooyinka abaaruhu saameeyeen. Sidoo kale waxa uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ka warbixiyay sooyaalka taariikheed ee deegaanka iyo dalka iyo farqiga u dhexeeya itoobiyada cusub iyo itoobiyadii hore.

Afhayeenka golaha xidhibaanada DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mundane Maxamedrashiid Isaaq oo ka hadlay munaasababaasi ayaa sheegay in wakhti-xaadirkan itoobiyada cusub tahay mid ku salaysan isku duubni, iskaashi wadashaqayn isgar-gaar iyo midnimo taasina ay tahay tan maanta keentay in deegaanka Axmaarada ee aan walaalaha nahay ay xiligan garab istaagaan shacabka DDSI ee ay abaaruhu saameeyeen.

Dhankiisa wasiirka ka hortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka deegaanka axmaarada mudane Asafe Balay ayaa oo ka hadlay munaasabadaasi ayaa sheegay in ay waajib tahay in xiligan oo kale lays gar-gaaro wuxuuna sheegay wasiirku in ay sii wadayaan gar-gaarka ay soo gaadhsiinayaan dawlada deegaanka soomalida itoobiya.

Gabagabadii munaasabadan ayaa madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cuamr iyo afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI mudane Maxamedrashiid Isaaq waxay shahaado sharaf heerkoodu sareyo gudoonsiiyeen dhakhaatiirtan la sagootinayay.