MW CMC Oo Faahfaahiyay Heshiiskii Soohdinta Labada Shacab

Jigjiga(Cakaaranews) Jumce 21ka April 2017. Sida lawada ogsoonyahay waxaa jiray khilaafaadyo dhanka soohdinta udhexeysa labada shacab ee kasoo jeeda dawlad deegaanada soomaalida iyo oromada balse haatan laga gaadhay heshiis kama danbays ah oo xal waara unoqonaya shacabka walaalaha ah ee labada dhinac ee uu daris wanaagu kadhexeeyo.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo faahfaahiyay heshiiskan labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskan uu waxtar balaadhan uleeyahay shacabka walaalaha ah ee labada dhinac marka dhinac walba laga eego isagoo xaqiijiyay in lakala xadeeyay 147 qabalee oo wax hadhsan uusan jirin maadaama ay lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay gudi technical ah oo kakooban maamulada qabaleeyada ee labada dhinac, Maamulada degmooyinka ee labada dhinac, Odayaasha iyo shacabka labada dhinac  iyo wakiilo kasocday wasaarada arimaha federalka ee JDFI, ciidanka federal policeka iyo ciidanka difaaca qaranka  ay hoos ugu dhaadhaceen goob walba iyagoo tagay gaar ahaan tuulooyinka iyo degmooyinka uu khilaafku kajiray eegayayna sida uu dhulku yahay iyo sida loo kala xadaynayo islamarkaana kagaadhay guulo laxaad leh oo midho-dhalay.

Dhanka kale, mas'uuliyiinta labada deegaan oo ay kala hogaaminayeen madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwaynaha DDO mudane Lema Magarsa ayaa iyana dhankooda mudadii 3da bilood ahayd ee lasoo dhaafay kawada hadlayay sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka xuduudaha labada deegaan iyagoo wada hadal dheer kadibna xalwaara kagaadhay islamarkaana qalinka kuduugay dhaqan-galinta heshiiskan maadaama ay gaar ahaan shacabka dagan tuulooyinka iyo degmooyinka xuduudaha ah ay yihiin dad dhaqan iyo diin wadaaga oo isdhalay ama wiil iyo abtigii ah iyadoo heshiiskana lagu gaadhay laguna faahfaahiyay meel ay labada deegaan iyo xukuumada federalka ahiba wada joogeen laguna cadeeyay qabalee kasta iyo degmo kasta oo iskuxiga xuduudooda islamarkaana loo dhigay si cad iyadoo uu heshiiskanina wakhti dheer qaatay.

Waxaa kale oo uu madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar sheegay in maadaama oo heshiiskan lagaadhay uu yahay mid sharci ah islamarkaana waxtar uleh nabadgalyo kuwada noolaanshaha  iyo horumarka shacabka walaalaha ah looga baahan yahay dhamaan heerarka kaladuwan ee maamulada tuulooyinka, degmooyinka, Gobolada iyo waliba shacabkuba inay dhaqangaliyaan. Wuxuuna madaxwaynuhu kadigay in cid kasta oo iskudayda inay carqalad kadhex abuurto shacabka walaalaha ah ee labada dhinac talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono iyadoo  waliba lagala xisaabtami doono arintan heerarka kaladuwan ee maamulada.

Ugudanbayna madaxwaynaha ayaa carabka ku adkeeyay in sharciga lahorkeeni doono cid kasta oo iskuday samaysa gaar ahaan heerarka kaladuwan ee maamulada qabaleeyada, degmooyinka, Malayshiyaadka iyo waliba shacabka iskudaya inay carqaladeeyaan heshiiskan sharciga ah ee lagaadhay oo ay sharciga dhadhamin doonaan .