Tababar Ku Saabsan Isticmaalka Aalada Computerka Oo Loo Furay Maareeyayaasha Tuulooyinka

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 25ka, April, 2017. Wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud   ayaa maanta tababar u furtay 24 xubnood oo ah maareeyayaasha tuulooyin ka tirsan   10 degmo oo hoos yimaada Gobolada Faafan, Jarar, Shabeele iyo Afdheer.

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI  ayaa waxay ujeedadiisu tahay sidii kor loogu qaadilahaa kartida iyo xirfada maareeyayaasha tuulooyinka uu ka dhaqan galay mashruuca taageerada gaarka ah siiya   deegaanada soo koraya ee loo yaqaano (DRS)  kaasi oo xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha ka taageera adkaynta, kor u qaadida iyo dhaadhicinta maamulka suuban.

Waxaana, furitaankii tababarkaasi ka hadashay wasiirka xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed maxamuud oo sharax dheer ka bixisay ujeedooyinka iyo ahmiyada tababarkan leeyahay  waxayna sheegtay in uu yahay mid kor loogu qaadayo  xirfada aqooneed ee maareeyayaasha tuulooyinka gaar ahaan xirfada aas aasiga ah ee barashada isticmaalka aalada computerka  si ay xogaha tuulooyinka ugu kaydiyaan  aalada computerka. Wasiirka ayaa kula dar-daaran tahay maareeyayaashan tababarka loo fumray in ay si qoto dheer uga faa’iidaystaan cashirada lagu siinayo mudada uu tababarkani socdo si ay ujeedada laga leeyahay tababarkan looga  fuliyaan tuulooyinka ay ka socdaan.

Tababarkan oo socon doona muddo 24 maalmood ah ayaa waxaa cashiradiisa bixindoona khabiiro ka socda xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI.