Kulanka Wadatashiga Yoolasha Horumarka Waara iyo waxqabadkii qorshaha (GTP2ga) Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 2da May, 2017. Waxaa ka furmay madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI kulan balaadhan oo  ah  wadatashi lagu qiimayanayo  tiirarka  yoolasha horumar waara ee afka qalaad loo yaqaano sustainable development goals   (SDG) ee sanka 2017  iyo heer daboolka waxqabadka qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha jaanqaadkiisa 2aad (GTP2ga) ee sanadkii 2008TI.

Kulankaasi  oo uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI ayaa waxaa ka soo qaybgalay wasiirada, iyo wasiiro ku xigeenada xafiisyada heer deegaan, maareeyayaasha iyo maareeyayaal ku xigeenka wakaaladaha DDSI, masuuliyiin ka socday heer faderaal oo ay ka mid tahay wasiiru dawlaha wasaarada shaqaalaha  iyo arimaha bulshada JDFI marwo Warkinash Birru , gadhwadeenada geedi socodka qorshaynta xafiisyada heer deegaan, ganacsato , wakiilo ka socday bulshada xoolo dhaqadata  iyo xoolo dhaqato beeralayda degmooyinka deegaanka, ururada dhalinyarada iyo  haweenka DDSI 

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirku xigeenka xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane  Jamaal Faarax Warmooge oo soo dhawayn ka dib ka warbixiayay ujeedooyinka iyo ahmiyada kulankaasi isaga oo sheegay in guulo waawayn laga soo hooyay  fulinta qorshayaasha, istaraatajiyadaha iyo yoolasha horumarineed ee u dajisan dalka iyo deegaanka wasiirku xigeenka ayaa intaasi ku daray in mudda uu socdo kulankani diirada lagu saari-doono fulinta qorshyaasha horumarka waara (SDG) , waxqabadka qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha (GTP2ga) ee sanadkii 2008TI  iyo sidii loogu diyaar garoobay fulinta qorshayaasha horumarineed ee soo socda.

Sidoo kale waxaa furitaankii kulankaasi ka hadashay wasiiru dawlaha wasaarada shaqaalaha iyo arimaha JDFI marwo warkinash  Birru oo sheegay in guud ahaan dalkeena itoobiya ku talaabsaday taaba galinta isbadal horumarineed isaga oo ka faa’iidaysanaya koritaanka dhaqaalaha ee ay ka mid yihiin qorshaya koboca iyo isbadalka dhaqaalaha (GTP2ga) iyo qorshayaasha yoolasha horumarka waara (SDG) kuwaasi oo ay ka markhaati kaceen wadamada qaarada Africa, caalamka iyo qaramada midoobay, wasiiru dawlaha ayaa sheegtay in ay mihiimtahay in la sii joogteeyo taabagalinta qorshayaashan

 

Kulankaasi ayaa maalmaha soo socda ka sii socondooma madasha shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI.