Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Kulan Lagu Daah-Furayay Hirgalinta Mashruuca iskaashiga Cilmibaadhista Oo ka Furmay Jigjiga

Jigjiga(cakaaranews),khamiis, 11ka May , 2017. Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee machadka cilmibaadhista DDSI kulan balaadhan oo lagu daah-furayay dhaqangalinta mashruuca iskaashiga cilmibaadhista DDSI oo ay hirgalintiisa iska kaashadeen machadka cilmibaadhista DDSI iyo jaamacada jigjiga.

Waxaana furitaankii kulankaasi  ka soo qayb-galay masuuliyiin  ka kala socday jaamacada jigjiga iyo machadka cilmibaadhista DDSI oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibaahin iyo maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin iyo khabiirada dhinaca cilmibaadhista ee jaamacad jigjiga iyo machadka cilmibaadhista DDSI oo ah kuwa  samaynaya daraasaadka  mashruucan.

Waxaana ugu horayntii furitaankii kulankaasi ka hadlay maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed aw Cali Kaahin oo ka warbixiyay ahmiyada iyo faa'iidooyinka uu leeyahay mashruucan maanta  la  daah-furayo.  wuxuna sheegay in uu yahay mashruuca ay hirgalintiisa  iska kaashadeen machadka cilimaadhista DDSI iyo jaamacada jigjiga, maareeyaha ayaa sharax dheerka bixiyay sida loo hirgalinayo mashruucan iskaashiga cilmibaadhista ee daraasaadka lagu samaynayo nidaamka  looga gaashaamanayo abaarta soo noq-noqta ee ay keento  isbadalka cimilada islamarkaana lagu hirgalinayo sida ay bulshadu uga faa'iidaysan lahaayeen khayraadka xooladooda sida:- naaxinta xoolaha  iyo tayada hilibkooda. maareeyaha ayaa  intaasi ku daray in uu mashruucani kaalin wayn ka qaadanayo hirgalinta qorshayaasha horumarka deegaanka.

madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Cabdicasiis Ibraahin oo furitaankii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay jaamacada jigjiga dadaal xoogan ugu  jirta ka qayb-qaadashada kor u qaaditaanka koboca dhaqaalaha deegaanka iyo hirgalinta adeegyada horumarineed ee la gaadhsiinayo bulshada deegaanka wuxuuna sheegay  in mashruucan  maanta la daah-furayaa ka mid yahay qorshyaasha kor loogu qaadayo nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah.  madaxwaynaha jaamacada jijiga  ayaa intaasi ku daray in khabiiradan ka socda jaamacada jigjiga iyo machadka cilmibaadhsita DDSI ay daraasaadka soo samaynayaan 8 gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka  kuna soo samayndoonaa xoolaha iyo dhirta deegaanka, wuxuuna kula dar-daarmay khabiiradan in ay sidii loogu talagalay u soo hirgaliyaan mashruucan si looga midho dhaliyo ujeedadiisa.