Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maareeyaha Guud Ee Machadka Cilmibaadhista DDSI Oo Ka Warbixiyay Qorshayaal Kor Loogu Qaadayo Tayada Xoolaha.

Jigjiga,(cakaaranews),jumce, 12ka May, 2017. Maareeyaha guud ee machadka cilmibaadhista DDSI mudane Guuleed Aw Cali Kaahin oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta  deegaanka ayaa ka warbixiyay taaba galinta istaraatajiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed  kuwa  wakhtiga dhaw, dhexe iyo dheer u dajisan machadka cilmibaadhista DDSI taasi oo hadda lagu hawlan yahay ayuu yidhi maareeyuhu hirgalinta soo bandhiga  cilmibaadhis iyo daraasaadyo  ku salaysan horumarinta khayraadka xoolaha iyo beeraha deegaanka.

Maareeyaha ayaa ka warbixiyay qorshe uu hirgalintiisa fulinayo machadka cilmibaadhista DDSI oo ah   hagaha farsamooyinka naaxinta ee nidaamka quudinta dheeriga ah ee xoolaha deegaanka, si ay xoolaha deegaanku u noqdaan kuwa   si fiican  ay uga faa’iidaystaan  bulshada xoolo dhaqatadu  khayraadkood gaar ahaan dhinaca suuqgaynta caalamka iyo dalkaba islamarkaana  ay xooluhu u noqdaan kuwa u adkaysta xaaladaha abaarta. Maareeyaha oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay habka  xoolo dhaqatada looga dhigo kuwo soo saari kara xoolo tayadooda iyo miisaankoodu  yahay kuwa ugu fiican suuqyada caalamka  si bulshada deegaanka looga faa’iideeyo nidaamyada casriga ah ee naaxinta quudinta dheeriga ah ee  xoolaha  ayaa  machadka cilmibaadhista DDSI uu dadaal xoogan ugu jiraa hirgalinta gaadhsiinta bulshada xoolo dhaqatada  farsamooyinkaasi casriga ah kaasi  oo mudda yar  xoolaha lagaga dhigayo kuwa tayadooda iyo miisaankooduba  aad u sareeyaan.

Ugu danbayntii  maareeyaha ayaa tilmaan dheerka bixiyay in machadka cilmibaadhista DDSI  xooga saarayo soo saarida, fulinta qorshyaal iyo daraasaadyo  cusub  ku salaysan horumarinta ka faa'iidaysiga  khayraadka xoolaha iyo beeraha  kuna salaysan  istaraatajiyadaha u dajisan xukuumada DDSI ee lagaga gaashaamanayo abaaraha korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaanka.