Huteel Cusub Oo Laga Hirgaliyay MM tog-wajaale Ayaa xadhiga laga jaray.

Tog-wajaale,(Cakaaranews)Axad, 21ka, May, 2017. Waxaa maanta xadhiga laga jaray huteel cusub  oo   laga hirgaliyay maamulka magaalada tog-wajaale kaasi oo loo bixiyay meder huteel  ayna  ku  baxday aduun lacageed oo dhan   18 millyan oo birr ayaa waxa  maalgashaday muwaadin dhalinyaro.

Haddaba, Xafladii  xadhiga lagaga jarayay huteelkan cusub  oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin  heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin  wasiirka maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir Maxamed, maareeye ku xigeenka machadka cilmibaadhista DDSI mudane cabdiraxmaan caagane, masuuliyiinta maamulka  gobolka faafan oo uu ka mid yahay ku simaha  gudoomiyaha gobolka faafan mudane Axmednuur Siyaad Cabdi, masuuliyiinta maamulka magaalada tog-wajaale oo uu ka mid yahay maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane maxamuud cabdi muxumed qaarka mid ah odayaal dhaqameedka heer deegaan iyo kuwa maamulka magaalada tog-wajaale. .

Waxaana xafladii xadhiga lagaga jarayay huteelkan ugu horayntii ka hadlay wasiirka maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir maxamed     oo  u mahad celiyay mulkiilaha hirgaliyay huteelkan cusub ee laga dhisay maamulka magaalada tog-wajaale wuxuuna sheegay wasiirku  in sanadihii ugu danbeeyay si xawliga isku soo tarayso ganacsatada DDSI ee maalgashiga balaadhan ka samaysanaya deegaanka taasi oo salka ku haysa dadaalka muga leh ee ay xukuumada DDSI u gashay sidii loo dhiiragalin lahaa  loona garab istaagilahaa ganacsatada DDSI  islamarkaana suurtagalisay ayuu yidhi wasiirku barnaamijyo iyo qorshayaal  hufan oo ganacsatada u sahlaya  in ay si fudud u maalgashadaan deegaanka   wasiirka ayaa  tilmaamay ahmiyada balaadhan ee u huteelkani u leeyahay bilicda magaalada tog-wajaale iyo adeegyada dhinaca huteelada ee maamulka magaalada togwajaale isaga oo ku booriyay ganacsatada kale oo maamulka magaalada tog wajaale iyo kuwa deegaankuba in ay ku daydaan mulkiilahan huteelka.

Waxaa kale oo ka hadlay xafladan xadhiga lagaga jaray huteelkan ku simaha   gudoomiyaha gobolka faafan mudane Axmednuur ciyaad cabdi iyo qaarka mid ah odayaal dhaqameedka DDSI iyo kuwa maamulka magaalada tog-wajaale kuwaasi  sheegay in guulaha balaadhan ee ay xukuumada DDSI sanadihii ugu danbaysay soo haysay tahay tan keentay in hantiilayaasha DDSI ku dhiiradaan sidii ay maalgashi balaadhan uga samaysan lahaayeen deegaan waxayna tilmaameen   ahmiyada uu huteelkani u leeyahay magaalada tog wakaale oo ah xarun ganacsi islamarkaana loo baahay yahay in kor looqaado adeega dhinaca huteelada iyaga oo mahad celiyay mulkiilaha huteelkan hirgaliyay ay ku tilmaameen  in uu yahay  muwaadin dhalinyaro ah oo ku dayasha mudane

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaankii xafladan mulkiilaha huteelkan cusub mudane Mustafe Cabdilaahi   oo ugu horayntii u mahad celiyay hogaaminta sare ee xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo suurta galiyay ayuu yidhi in aan ku dhiirano hirgalinta maalgashigi huteelkan wuxuuna sheegay hirgalintiisa huteelkan in ay  ku baxday aduun lacageed oo dhan 18 millyan oo bir wuxuuna ka kooban yahay ayuu yidhi 54 Qal oo jiif ah hoolkii shirarka iyo qaybta sharaabka/cafateeriyada kaasi oo  shaqo abuur u sameeyay ayuu yidhi mulkiiluhu 35 qof oo muwaadiniin ah.

 

Waxaana siwada jir ah xadhiga uga jaray huteelkan wasiirka maalgalinta DDSI mudane Cabdinaasir maxamed iyo maayorka maamulka magaalada tog-wajaale mudane maxamuud cabdi muxumed.