Tababar Ku Saabsan Hirgalinta Wajigii 4aad Ee Nidaamka Qiimaynta iyo Darajasiinta Shaqada Oo Ka Furmay Jigjiga

Jigjiga,(cakaaranews),talaado, 23ka May, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI oo ay ujeedadiisu tahay sidii loo hirgalin lahaa nidaamka qiimaynta iyo daraja siinta shaqada (Job evaluation and grading)    iyo tabaha cabirka halbeega shaqada oo ah wajigii 4aad ayaa ka furmay caasimada DDSI ee jigjiga  kaasi oo loo  qaybtay  xubnaha madax xafiiseedyada xafiisyada adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha  ee dhamaan degmooyinka deegaanka iyo maamulada magaalooyinka  DDSI.

Waxaana Furitaankii tababarkan ka  hadashay wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI marwo Maajida Maxamed Maxamuud  oo ka warbixisay  ujeedooyinka tababarkan iyo istaraatajiyadaha laga leeyahay taasi oo ah ayay tidhi in si cad loo qeexo cid kastaana garato kaalinta uu shaqaaluhu ku leeyahay hirgelinta waajibaadyada shaqada iyo natiijooyinka laga sugayo shaqaalaha  wasiirka ayaa sheegtay in nidaamka qiimaynta iyo darajasiinta shaqada wajigiisii 1aad laga hirgaliyay xafiiska adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI halka  2aad iyo kii 3aad  laga hirgaliyay xafiisyada heer deegaan taasi oo guulo waawayn laga soo hooyay halka wajigiisa 4aadna la doonayo in laga hirgaliyo gobolada, maamulada magaalooyinka iyo degmooyinka DDSI ujeedada tababarkana tahay sidii fahan buuxa looga siinlahaa xubnahan fulinta iyo hirgalinta nidaamkan waxayna wasiirku ku boorisay xubnahan ka soo qaybgalay tababarkan in looga baahan yahay in ay kaalin tooda ka qaataan hirgalinta nidaamkani darajo siinta shaqada si loo dar-dar galiyo shaqooyinka haay’adaha dawlada layskuguna dheeli tiro shaqada iyo darajasiinta shaqada.

 

Nidaamka qiimaynta iyo darajo siinta shaqada oo laga hirgaliyay xafiisyda heer deegaan  ayaa ah  nidaam  kor u qaaday  tayada deegyada  shaqada xafiisyada dawlada  islamarkaana  xoojinaya  diyaarinta qorshaha cududa shaqo lagu hirgalinayo  wuxuuna si cad u qeexayaa  Hanaanka shaqaalaynta, dalacsiinta, bedelka iyo darajasiinta shaqada.