Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Ee Bilaashka Ahaa Oo Ka Bilaabmay Dhambal

Dhambal(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017.  Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee Dagmada Dhambal ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada Dhambal iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti.

Hadaba mid kamida hawlwadeenada adeegani ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada dhambal  islamarkaana loo adeegay bulsha  240 qof oo isugu jira 200 oo qof oo ladaweeyay iyo 40 qof oo lagu sameeyay qalniin, Iyadoo sidii loogu talagalay ilaa wakhti xaadirkani ay hawshu u socota islamarkaana uu maalmahan kasii socondoono isla degmadaas dhambal ee gobolka siti, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  oogasii gudbi doona qaar kamid ah degmooyinka gobolka siti ayna ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Dhambal iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.