Imtixaankii Heer Qaran Ee Fasalka 10aad Oo Soo Gabagaboobmay Iyo Imtixaankii fasalka 8aad Ee Heer Qaran Oo Ka Ambabaxay Xarunta Deegaanka.

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 4ta June 2017. Waxaa dhamaan dalkeena itoobiya  kusoo gabagaboobmay intixaankii heer qaran ee fasalada 10aad  oo sedexdii maalmood ee udanbaysay kasocdey guud ahaan dalka.

Hadaba wasiirka Xafiiska Waxabarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 10aad  uu si quruxbadan kusoo gabagaboobmay guud ahaan dalka gaar ahaan deegaankeena . Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in sanadan 2009TI ay imtixaanka fasalka 10aad ufadhiisteen in kabadan 15,000 oo ardayda deegaanka ah islamarkaana uu imtixaanka  fasalada 10aad ee deegaanku uu ka qabsoomay  151 goobood oo deegaanka ah si fiican ugusoo gabagaboobmay.

Sidoo kale wuxuu wasiirku xusay in imtixaankii heer qaran ee fasalka 8aad loo qaaday dhamaan goobihii uu ka qabsoomi lahaa ee deegaanka islamarkaana ay imtixaanka heer qaran ee fasalka  8aad ee deegaanka u fadhiisan doonaan in kabadan 27,000 oo aradayda deegaanka ah.