Jidadka Waawayn Ee MMJ Oo 12 Laydhasha Casriga Ah Lagaliyay

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 6ta June 2017. Waxaa xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga ka socda mashaariico horumarineed oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada jigjiga maadaamo xarunta deegaanka lagu qaban doono sanada soosocota xuska magaalooyinka dalkeena.

Hadaba kusimaha maayarka maamulka jigjiga  ahna maareeyaha mmj mudane Fadxi Shugri Axmed oo kawarbixyay mashaariicaha laga wado mmj gaar ahaan mashaariicaha  kor loogu qaadayo bilicda magaalada jigjiga ayaa sheegay in 12 wado ookamid ah wadooyinka waawayn ee mmj lagaliyay laydhasha waawayn ee caasimadaha islamarkaana wax wayn kabadalaya bilicda mmj. Wuxuuna mas'uulku intaa kudaray in mashaariicahan ay bilicda magaalada soosaarayaan islamarkaana lasii xoojin doono maadaama magaalada jigjiga lagu qabanayo sandan soosocota xuska magaalooyinka dalka.

Dhanka kale waxaa isana dhankiisa ka hadlay madaxafiiseedka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha mmj mudane Khaalid Cabdiraxmaan oo sheegay inuu mashruucan kor looguqaadayo bilicda magaalada ay ku baxday lacag dhan 8 milyan oo birr islamarkaana ay laydhashani wax wayn kabadali doonaan bilicda magaalada jigjiga.

Ugudanbayna waxaa dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada ku dhaqan mmj oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin laydhashan casriga ah islamarkaana ay laydhashan wax wayn utarayaan dhanka araga iyo bilicda magaalada.