Madaxa Xafiiska Waxbarashada Degmada Erer Oo Kawarbixiyay Imtaxaanaadkii Heer Qaran Ee Ka Dhacay Erer

Erer (cakaaranews)jumce  9ka June 2017.  Madaxa xafiiska waxbarashada Degmada Erer ee Gobolka Siti mudane Cabdi Muxumed Maxamed ayaa sheegay in si farxad leh uu ugu dhamaaday imtaxaanaadkii heer qaran ee fasalada 10aad iyo 12aad islamarkaana ay si nabad ah imtaxaanka u qaateen arday tiradoodu kor u dhaafayso 769 arday oo 419 kamid ahi ay yihiin ardayda qaadatay imtaxaanka 10aadka meesha 350 ardayna ay yhiin ardayda 12aadka qaadatay oo isugujirta arday regular ah iyo arday private ah oo 220 arday yihii lab 139 ka kalana ay yihiin dhadig.

Wuxuuna intaa kudaray masuulku  in imtaxaanka fasalka 10aad ay u fadhiisteen arday tiradoodu kor u dhaafayso 419 arday oo 137 kamid ahi ay yihiin Gabdho meesha 282 ay yihiin wiilal.

Dhankakale, madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in imataaxaanaadkani ay kakala dhaceen 5 goobood oo degmada erer hoosyimaada islamarkaana ay hawsha si wada jir ah u fulinayeen wasaarada waxbarashada heerfederal, xafiiska waxbarashada DDSI, iyo waliba shaqaalaha xafiiska wabarashada Degmada Erer.

Sidookale, madax xafiiseedka ayaa tilmaamay in sidookale fulinta shqooyinkan imtaxaanadka ay taageero lodgistic kagaysatay hay’ada bahwadata la ah xafiiska ee save the children laanteeda diredhawa islamarkaana ay baabuur kucaaawisay xafiiska waxbarashada degmada erer.

Ugudanbayna madax xafiiseedka ayaa carabka kudhuftay in uu guul u rajaynayo guud ahaanba ardayda deegaanka gaar ahaan ardayda degmada erer islamarkaana uu rajo fiican kaqabo in sanadkan ay noqon doonaan kuwo guulo wax ku ool ah kakeena natiijada imtaxaanadkan heer qaran.