Qiimayntii Waxqabadka Dakhliga Degmooyinka Iyo Maamul Magaalooyinka Oo Ka Furmay Jigjiga.

Jigjiga(cakaaranews),jumce, 9ka, June, 2017.Waxaa ka furmay magaalada jigjiga gaar ahaan hoolka shirarka ee Qaryaan dhoodaan kulan lagu qiimaynayo waxqabadkii  dhinaca dakhliga ee  degmooyinka  iyo maamulada magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedka 2009TI iyada dhinaca kale kulankan lagu   diyaarinayo hirgalinta  qorshaha dakhliga degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedka  2010TI.

Kulankan qiimaynta ah oo ay hogaaminayeen   masuuliyiinta sare ee wakhaalada dakhliga DDSI oo ay ka mid yihiin maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi  (Qabaase) maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Xasan Cali ayaa waxaa loo qaybtay  dhamaan maareeyayaasha wakaaladaha dakhliga  degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI.

Waxaana furitaankii kulankaasi ugu horayntii ka hadlay maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdifataax Maxamed Cabdi oo ka warbixiyay  in ka midha dhalinta qorshayaasha koboca iyo isbadalka dhaqaala deegaanka  ay laf-dhabar u tahay meel marinta awoodaha fulinta waajibaadka shuruucaha dakhliga  wuxuuna sheegay maareeye ku xigeenku in kulanka qiimaynta ah diirada lagu saarayo  waxqabadkii  iyo fulinta qorshayaashii u dajisnaa wakaalada dakhliga degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ee sanad miisaaniyeedkan 2009TI  islamarkaana  laysla meel dhigayo fulinta qorshaha  dakhliga ee sanadka 2010TI isaga oo u sheegay masuuliyiinta wakaaladaha dakhliga ee degmooyinka iyo maamul magaalooyinku in ay si cad-cadaan iyo isla  xisaabtan leh u soo bandhigaan warbixinta waxqabadkooda.

Kulankan qiimaynta ah ayaa inta uu socto waxa ay masuuliyiinta dakhliyada degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ku soo bandhigayaan warbixinta waxqabadkooda taasi oo laga waayo aragnimo qaadanayo sidii qorshaha sanadkan soo socda loo buuxin lahaa haddii ay jirtay wax gol-daloolo ah sanadkan hadda dhamaanaya.