Wafti Ka Socday Deeq Bixiyayaasha Caalamka Oo Lagusoo Dhaweeyay Wardheer

Wardheer(Cakaaranews) Sabti 10ka June 2017. Wafti balaadhan oo ka socday deeq bixiyayaasha caalamka, Safiiro iyo  Suxifiyaal oo uu hogaaminayay komoshineerka komishinka maaraynta masiibooyinka JDFI mudane mitiku kassa ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada wardheer ee xarunta gobolka doolo.

Waxaana si meeqaam sare ah u soo dhaweeyay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Maamulka DDSI mudane Cabdiwali Xaaji Maxamed Dalmar, la taliyaha Madaxwaynaha DDSI ee dhinaca bini-aadanimada iyo xidhiidha hay’adaha caalamiga ahna wasiir kuxigeenka xafiiska kahortaga iyo u diyaar-garowga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali, Maareeyaha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane Farxaan Maxamuud Axmed, wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska DDSI  mudane Baashe Cabdi Ismaaciil, Wasiir kuxigeenka xafiiska ka hortaga iyo u diyaar garowga masiibooyinka DDSI mudane Yaasiin cumar, masuuliyiinta gobolka doolo iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah

Soo dhawayn kadibna waxay deeqbixiyayaashan, safiirada iyo suxufiyiinta heer caalami kulan la yeesheen masuuliyiinta heer deegaan, heer gobol iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxayna iska xogwaraysteen saamayntii xaaladaha abaarta. Waxaana kulankaasi ugu horayntii ka hadlay komishineerka komishinka maaraynta masiibooyinka JDFI oo ka warbixiyay dadaalka muga leh ee DDSI, dawlad heer faderal iyo hay’adaha caalamiga ah ka gaysteen ka jawaab celinta xaaladaha abaarta.

Waxaa kale oo kulankaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka doolo mudane Maxamed Cabdi Bare iyo wasiir ku xigeenka xafiiska ka hortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka DDSI mudane Anwar Cali kuwaasi oo ka warbixiyay heerka saamaynta xaaladaha abaarta iyo sida ay xukuumada DDSI oo kaashanaysa heer federal iyo hay’adaha ay waxqabad muuqda ooga qabteen xaaladaha abaarta. Waxayna intaa kudareen  in ay muhiin tahay in ay hay’adaha heer caalami sii xoojiyaan deeqaha ay siinayaan bulshada abaaruhu saameeyeen.

Dhankooda deeq bixiyayaasha heer caalama ayaa sheegay in ay sii xoojinayaan taageerada ay soo gaadhsiinayaan bulshada abaaruhu saameeyeen ee DDSI waxayna u mahad celiyaan xukuumada DDSI iyo tan heer federal sida ay wax uga qabteen xaalada abaarta Intaasi ka dib waxay deeqbixiyayaashan iyo mas’uuliyiinta heer deegaan booqdeen qabahala qudhacle oo ah goobta ay ku nool yihiin bulshadii ay soo bara kiciyeen xaaladaha abaarta waxayna u kuurgaleen habnololeedka bulshada.waxayna xuseen inay sii xoojin doonaan dadaalka tageero ee ay u hayaan xukuumada deegaanka.