Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Erer Oo Lasoo Gabagabeeyay

Erer(Cakaaranews) Axad 11ka June 2017. Waxaa degmada erer ee gobolka siti lagusoo gabagabeeyay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa oo maalmihii udanbeeyayba looga faaiidaynayay bulshada ku dhaqan degmada erer iyo nawaaxigeeda.

Hadaba iskuxidhaha Kahortaga Indho la,aanta Ee Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Axmed bade Ducaale  ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee xafiiska caafimaadka DDSI in maanta lasoo gabagabeeyay adeegii qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ahaa  islamarkaana loo adeegay bulsho dhan 943 qof oo isugu jira 171 qof oo lagu sameeyay qalniin indhaha ah halka 772 laga daweeyay indhaha, Iyadoo sidii loogu talagalay kusoo gabagaboobmay islamarkaana uu adeegani si hagar la aan ah oogasoo qabsoomay dhamaanba degmooyinkii gobolka siti ee uu maalmahnba ka shaqaynayay, Waxayna kooxdan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah  ee wareega   ka fulin doonaan adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah guud ahaanba degmooyinka dhiman ee aan wali laga fulinin adeegan xukuumada DDSI gaarka u ah islamarkaana ooga talagashay siday bulshada deegaanka ku nool ee ka lumay aragoodii indhaha oogusoo celin lahaayeen aragoodii indho.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada Erar iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay ee bilaashka ah islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha. Sikastaba ha ahaatee adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ayaa ah mid xukuumada deegaanku gaar u ah islamarkaana la rabo in dhamaan laga hirgaliyo degmooyinka deegaanka iyadoo inta badan laga fuliyay deegaanka inta dhiman laga fulin doono.