Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Lagaga Hadlayay Sii Xoojinta Hawlaha Nabadgalyada Oo Ka Dhacay Jigjiga.

Jigjiga(Cakaaranews) Axad 11ka June 2017. Waxaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI kulan lagu sii xoojinayay horumarka gaar ahaan dhinaca nabadgalyada.

Hadaba Kulankaas oo ay hogaaminayeen ku simaha hogaanka nabadgalayda DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaarka ah general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, iyo ku xigeenka hogaanka nabadgalayda DDSI mudan Ibraahin Mubaarig ayaa waxaa loo qaybtay dhamaan hogaanada nabadgalyada gobolada iyo degmooyinka DDSI.

Waxaana ugu horayntii ka hadlay kulankaasi ku simaha hogaanka nabadgalyada DDSI ahna taliyaha guud ee ciidanka booliska gaar ka ah ee DDSI mudane general Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale oo ka warbixiyay xasiloonida taamka ah ee ka jirgashay DDSI islamarkaana loo baahan yahay in la sii joogteeyo lana sii xoojiyo. Generaalka ayaa kula dar-daarmay hogaamadan gobolada iyo degmooyinku in ay sii dar dargaliyaan fulinta qorshayaasha dhinaca dar-dargalinta iyo adkaynta arimaha nabadglayada.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaarkamid ah hogaanda gobolada iyo degmooyinka deegaanka oo sheegay inay sii xoojin doonaan nabadgalyada taamka ah ee ka hanaqaaday guud ahaanba deegaanka, Waxayna intaa kudareen inay sidii loogu talagalay oogasoo bixidoonaan shaqadooda nabadgalyo islamarkaana aysan kor usocod mooyee hoos udhac samayn doonin.