Ramadan Kariim 



 

      

Raysil Wasaaraha Dalka Soomaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Garoonka Caalamiga Ah Ee Bole Air port

Addisababa(Cakaaranews)Isniin 12ka June 2017. Masuuliyiin heer faderal ah oo uu wehelinayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa garoonka diyaaradaha ee Bole international Airport si meeqaam sare ah ugu soo dhaweeyay wafti baladhan oo uu hogaaminayo raysil-wasaaraha dalka soomaliya mudane Xasan Cali Khayre.

Raysil wasaaraha dalka soomaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa qolka nasashada ee garoonka diyaaraha kulan kula yeeshay wasiirka wasaarada arimaha faderalka iyo xoolo dhaqatada JDFI mudane Kase Tekle Burhaan kulankaasi oo ay kaga wada hadleen arimaha socdaalka raysil wasaaraha iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labad dawladood ee dariska ah. waxayna waftigan uu hogaaminayo raysil wasaarahad dalka somaliya inta ay joogaan dalkeena itoobiya shirar la yeelan doonaan masuuliyiinta ugu saraysa JDFI shirarkaasi oo ah kuwa lagu soo xoojinayo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya labada dale e daris wanaagu ka dhaxeeyo.