Ramadan Kariim 



 

      

Tababar Ku Saabsan Xirfadaha iyo Farsamada Gacanta Oo Ka Furmay jigjiga.

Jigjiga,(cakaaranews), Arbaca, 14ka June , 2017. Tababar  uu soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI ayaa ku furmay  kuliyada xirfadaha iyo farsamada ee jigjiga tababarkan  ujeedadiisu tahay mid lagu suurta galinayo in xirfad iyo shaqo abuur loogu sameeyo 100 xubnood oo lagu soo kala xulay  6da maamul magaalo iyo dhamaan degmooyinka DDSI taasi oo qayb ka ah dadaalka ay xukuumada DDSI  ugu  jirto  tir tirida shaqo la aanta iyo saboolnimada.

 

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada ,xirfadaha  iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ka warbixiyay jihooyinka horumarineed ee u dajisan deegaanka iyo guud ahaan dalka isago oo sheegay in hirgalinta iyo kor u qaaditaanka nidaamka xirfadaha iyo farsamadu tahay tan suurta galinaysa  in la gaadho wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay kuwa ugu horeeya islamarkaan ay tahay xirfadaha iyo farsamada gacantu dhiig joojinta saboolnimada . wasiir ku xigeenka ayaa intaasi ku daray  in tababarkan oo socon-doona mudo 45 maalmood ah ay xubnahan laga soo kala xulay 6da maamul magaalo iyo dhamaan degmooyinka deegaanku ay mudada uu socdo ku baranayaan  xirfadaha  dabka iyo mishiinada (Electro machine) kuwaasi oo noqonaya marka uu u dhamaado tababarkani kuwo leh xirfad iyo farsamo ay ku shaqaystaan wuxuuna ku booriyay in mudada uu socdo tababarkani ay si fiican uga faa’idaystaan xubnahani.