Ramadan Kariim 



 

      

Imtixaankii Fasalka 8aad Ee Heer Deegaan Oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga,(cakaaranews), jumce,16ka, June, 2017  Waxaa si habsamileh loo soo gabagabeeyay  imtixaankii heer deegaan ee  fasalka 8aad oo  sanadkan ka dhacay 484 oo ah dhamaan dugsiyada hoose dhexe ee deegaanka islamarkaana ay  u fadhiisteen sanadkan arday dhan 27,792.

Haddaba, waxaa  shabakada wararka ee cakaaranews uga warbixiyay imtixaankan la soo gabagabeeyay maanta  wasiir ku xigeenka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur oo sheegay in si qurux badan loo soo gabagabeeyay imtixaanka fasalka 8aad oo ka qaybsoomay dhamaan dugsiayda hoose dhexe ee deegaanka. Wasiir ku xigeenka ayaa tilmaamay in imtixaankani  fasalka 8aad uu ka socday deegaanka muddo 3maalmood ah.

Ugu danbayntii waxa uu wasiir ku xigeenku u mahad celiyay xafiisyadadii iyo shaqsiyadkii ka qayb-qaatay imtixaankii fasalka 8aad iyo guud ahaanba fasalada 10aad iyo 12aad oo dhamaantood ku soo dhamaaday ku soo dhamaaday jawi wanaagsan.