Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Ee Degmada Hadhagaale Oo Lasoo Gabagabeeyay.

Hadhagaale(Cakaaranews) Arbaco 12ka July 2017. Waxaa lasoo gabagabeeyay ololihii qaliink iyo daawaynta indhaha oo ay Bulshada Kunool  Degmada hadhagaale iyo nawaaxigeeda Ee Gobolkani siti kasocdey, Kasoo bulshadu Kafaaiidaysanayeen adeegani qalniinka oo ay Bogaadiyeen Adeegani islamarkaana Juhdi Badan Ay Ku Bixisay Xukuumada Deegaanka sidii bulshada deegaanku u heli lahaayeen adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha ayaa Waxaa lasoo gabagebeeyay ololihii qalitaanka indhaha iyo daawaynta ee degmada hadhagaale iyo nawaaxigeeda ee  gobolka siti iyadoo maalmihii udanbeeyayba kasocday  adeegan bulshada loogu soo celinayo aragooda indhaha.

Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha mudane Cabdulaahi Xambali  ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha lasoo gabagabeeyay  islamarkaana loo adeegay bulsha dhan  841 qof oo isugu jira 381 oo qof oo laga daaweeyay indhaha iyo 135 qof oo lagu sameeyay qaliin indhaha ah, halka 325 qofna lasiiyay muraayadaha indhaha, Wuxuuna intaa kudaray ay sidii loogu talagalay usoo gabagabeeyeen ololahan qaliinka iyo daawaynta indhaha. Uganasii gudbi doonaan degmada ma’eyso ee isla gobolka siti.

Ugudanbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid bulshada aragooda dib uhelay ee ku dhaqan degmada hadhagaale iyo naawaaxigeeda oo u waramay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin qalitaankan iyo daawaynta indhaha loo sameeyay islamarkaana bogaadiyay howshan caafimaad ee ay bulshadu dib oogu helayaan aragooda indho. Waxayna aad oogu mahad celiyeen xukuumada DDSI oo runtii dadaal dheer ugashay siday bulshada deegaanku uheli lahaayeen aragooda indhaha.