MMJ Oo 56 Iskaashato Oo Dhalinyaro Ah Kuwareejiyay Dhul

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco 12ka July 2017. Si loo daba jaro shaqo la’aanta islamarkaana looga baxo saboolnimada ayaa xukuumada DDSI ay qaadatay qorshayaal kuwajahan shaqoabuurka dhalinyarada iyo waliba siinta lacago daymo ah dadka hayntoodu yartahay. Iyadoo maantana masuuliyiinta  Maamulka Magaalada Jigjiga oo uu horkacayo Kusimaha Maayorka ahna  Maareeha Guud ee Maamulka magaalada Jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed ay dhul balaadhan oo dhan 76 hector  kuwareejiyeen iskaashatooyin dhalinyaro ah oo kakooban 56 iskaashato.

Hadaba, Kusimaha Maayorka MMJ ahna Maareeha Guud ee Maamulka magaalada Jigjiga mudane Fadxi Shugri Axmed oo lahadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in maanta ay dhul  dhan 76 hictor kuwareejiyeen 56 iskaashato oo dhalinyaro ah. Kuwaasoo ahaa dhalinyartii xukuumada DDSI ay u samaysay shaqo abuurka. Wuxuuna intaa kudaray masuulku in iskaashatooyinkan dhalinyarta ahi isugu jiraan iskaashatooyinka  Beeraha, Naaxinta-xoolaha, Digaaga, iyo waliba iskaashatooyinka shinida Malabka.

Wuxuuna tilmaamay in dhalinyartan uu u rajaynayo inay noqdaan kuwo kafaaiidaysta dhulkan islamarkaana kamidho dhaliya noocyadan shaqo ee ay qabanayaan oo ay noqdaan kuwo anfaca naftooda iyo bulshadoodaba.

Dhankiisa wasiirka xafiiska dhalinyarda iyo ciyaaraha mudane cabdi Bile oo goobjoog ka ahaa dhulkan lagu wareejiyay dhalinyarada ayaa isna dhankiisa dhalinyarta iskaashatada ah u soojeediyay dardaaran. Isagoo seegay in dhalinyartani ay noqdaan kuwo ay kudaydaan dhalinyarta kale ee shaqo la,aanta ah islamarkaana ay layimaadaan shaqo iyo waxsoosaar kudayasho leh.

 Ugudanbayna, iskaashatooyinkii dhalinyarta ahaa oo dareenkooda kahadalay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin shaqo abuurkan heerka sare ah ee ay xukuumada DDSI usamaysay waxayna u mahad celiyeen dhamaan heerarka kaladuwan ee xukuumada DDSI ee uu ugu horeeyo Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.