Xafiiska Waxbarashada DDSI Oo Gaadiidka Mootooyinka U Qaybiyay 28 Degmo

Jigjiga(cakaaranews) jumce,14ka July , 2017. Xafiiska waxbarashada DDSI ayaa maanta u qaybiyay gaadiidka  mootooyinka ee loo yaqaano zuzukida u qaybiyay 28 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka gaar ahaan xafiisyada waxbarashada degmooyinkaasi.

Haddaba, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo goobtan  lagula kala wareegayay gaadiidkan ugu waramay warbaahinta deegaanka ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka loo siinayo degmooyinka iyo shaqooyinka lagu qabanayo mootooyinkan wasiirka ayaa sheegay in 28ka mooto lagu wareejinayo masuuliyiinta ka socoto 28 degmo oo ah kuwa  uu ka  hawlago mashruuca loo yaqaano wash one program. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa masuuliyiinta mootooyinka lagu wareejinayay kula dar-daarmay in gaadiidkan xilwayn iska saaraan ilaalintiisa iyo daryeelkooda islamarkaana u adeegsadaan oo kaliya shaqadii loogu talagalay si ay uga midho dhaliyaan shaqooyinka loogu talagalay u adeegsiga gaadiidkan.

Ugu danbayntiina masuuliyiinta ka socday degmooyinka ee lagu wareejiyay mootooyinkan ayaa sheegay in ay gaadiidkani kaalin mug leh ka qaadanayaan dar-dargalinta shaqooyinka ku saabsan dhinaca adeega waxbarashada waxayna  balan qaateen  in ay sidii loogu talagalay u ilaalinayaan daryeelka  gaadiidkan.