Adeegii Qaliinka Iyo Daawaynta Indhaha Bilaashka Ahaa Oo Si Rasmi Ah Ooga Furmay Ma,eyso

Ma,eyso(Cakaaranews) Sabti 15ka July 2017. Waxaa si rasmi ah ooga furmay Xarunta Caafimaadka Ee  Degmada ma,eyso  ee gobolka siti ololihii Daawayntii Iyo Qaliinkii Indhaha bilaashka ahaa Oo Ay Kafaa,iidaysanayaan shacabka Degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda ee gobolka siti. Oo uu qorshuhu yahay in looga faaiideeyo dhamaanba bulshada ku dhaqan nawaaxigaas ee wax ka qaba indhaha.

Hadaba Hogaamiyaha kooxdan wareegta ee qalitaanka indhaha mudane Cabdulaahi Xambali  ayaa sheegay in uu adeegani Bilaashka ah ee qaliinka iyo daawaynta indhaha ee caafimaadka DDSI uu ka bilaabmay degmada ma,eyso  islamarkaana looga faaiidayn doono bulsha aad tira badan oo isugu jira qaliin, daawayn iyo muraayado. Iyadoo wakhti xaadirkana lagu jiro tijaabadii hore ee qof walba sida uu wax ooga qabo lagu ogaan lahaa. Waxuuna intaa ku daray inuu adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah uu maalmahan kasii socon doono degmada ma,eyso ee gobolka siti.

Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay qaar kamid ah bulshada loo samaynayo adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah ee degmada ma,eyso iyo nawaaxigeeda oo sheegay inay aad oogu faraxsanyihiin adeegan ay xukuumadu ufilisay. Waxayna intaa ku dareen inay aad oogu mahadsanyihiin XDSHSI iyo Xukuumada keentay adeegan qaliinka iyo daawaynta indhaha bilaashka ah.