Tababar Ku Saabsan Cilad Bixinta Matoorada Ceelasha Biyaha Oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga,(cakaaranews), Isniin, 17ka , July, 2017. Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada jigjiga tababar  socday mddo 45 maalmood ah oo  ku saabsan sida loo cilad bixiyo matoorada ceelasha biya kaasi oo  soo diyaariyay xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI.

Haddaba, tababarkan oo loo qabtay 70 xubnood oo laga soo kala xulay dhamaan degmooyinka deegaanka gaar ahaan goobaha laga hirgaliyay mashaariicaha ceelasha biyaha DDSI  ayaa waxaa soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka xafiiska xirfadaha tababarada iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi, wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska DDSI mudane Baashe cabdi ismaaciil iyo maareeye ku xigeenka wakaalada jidadka DDSI mudane  Cabdilaahi maxamed cabdi.

Waxaana, ka hadlay xidhitaankii tababarkan wasiir ku xigeenka tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane Cilmi oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan isaga oo sheegay  dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii  shacabka deegaanka looga xaqab tirilahaa helidaanka biyaha nadiifta ah taasi oo guud ahaanba deegaanka laga hirgaliyay mashaariicaha biyaha gaar ahaan ceelasha dhaadheer(riigaga)  islamarkaana loo baahan yahay in aan la arag ceel biyood aan shaqaynayn, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in uu tababarkani yahay mid ku salaysan sidii meesha looga  saarilahaa  ciladaha ku yimaada matoorada ceelasha wuxuuna ku booriyay wasiir ku xigeenku xubahan qaatay tababarkan in ay ka midho dhaliyaan ujeedooyinka iyo ahmiyada laga lahaa tababarkan,

Qaarka mid ah xubnahan  tababarkan  loo soo xidhayay oo dhankooda la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu socday tababarku fahan buuxa ka qaateen nidaamka loo cilad bixiyo matoorada ceelasha waxayna balan qaateen in ay sidii loogu talagalay u fulinayaan casharadii ay ka barteen mudadii uu socday tababarku. Ugu danbayntii wasiir ku xigeenka xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamooyinka DDSI mudane cabdirisaaq saxane ayaa gudoonsiiyay xubnahan  qaatay tababarka shahaadooyin ka turjimaya xirfadii ay barteen mudadii uu socday tababarku.