Xamaro Oo Caawa Heshay Laydhka 24ka Saac

Xamaro(Cakaaranews) Isniin 2da October 2017. Waxaa caawa degmada xamaro ee gobolka erer gaadhay laydhkii 24ka saac ahaa ee looga soo jiiday magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer oo u jirta 54km.

Hadaba mashruucan laydh galinta 24 saac ee degmada xamaro oo ay gacanta ku haysay wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee booliska DDSI ayaa waxaa shabakada wararka ee cakaaranews ooga warbixiyay maareeyaha wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee DDSI mudane Axmed Maki Cabdulaahi iyo wasiir kuxigeenka xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI ahna gudoomiye kuxigeenka gudiga dabagalka mashaariicaha kaabayaasha dhaqaale ee laydhka iyo telefoonada mudane Axmed Shugri  ayaa sheegay inuu mashruucan laydhgalinta ee xamaro uu yahay mashruuc ay gacanta ku haysay wakaaladu islamarkaana caawa loo fasaxay degmada xamaro lanasoo gabagabeeyay, Wuxuuna maareeyuhu intaa ku daray mashruucan laydhgalinta 24 saac ah ee degmada xamaro looga soo jiiday magaalada fiiq ee xarunta gobolka erer  uu dheerarkiisu dhanyahay 54km iyadoo mashruucan ay sidoo kale ka faaiidaysanyaan dhamaan tuulooyinka udhaxeeya fiiq iyo xamaro.

Ugu danbayna wuxuu maareeyuhu xusay in mashruucan laydhgalinta 24ka saac ee xamaro uu kamid yahay magaalooyinka u hor helay laydhka 24 saac ah islamarkaana ay xukuumadu ku  guda jirto sidii loo gaadhsiin lahaa magaalooyinka kale deegaanka. Barnaamijkan caalamiga ah ee laydhgalinta magaalooyinka iyo tuulooyinka deegaanka ayaa lagu wadaa inuu sida ugu dhakhso badan ku gaadhsiiyo degmooyinka kale ee deegaanka maadaama uu horumarka deegaanku yahay mid xawaare ku socda