Kalfadhigii 5aad Ee Golaha Wakiilada Shacabka Iyo Golaha Fadareeshinka Dalka Oo Si Rasmiya U Furmay.

Adisababa,(cakaaranews), isniin, 9ka October, 2017. Waxaa maanta si rasmiya uga furmay xarunta dalkeena itoobiya ee adisababa kalfadhigii 5aad  ee golaha wakiilada shacabka  iyo golaha fadareeshinka dalkeena itoobiya taasi oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan xubnaha labada gole ee dalkeena itoobiya.

Kalfadhigan oo ugu horayntii loo istaagay dadkii shacabka soomaalida  ahaa ee lagu xasuuqay hawaday ayaa waxaa  furitaankiisii  kudbad dheeli-tiran oo dhaxalgal ah ka soo jeediyay madaxwaynaha jamuuriyada dimuqoraadiga faderaalka itoobiya mudane Dr Mulatu Teshome isaga oo  ugu horayntii ka warbixiayay ahmiyada uu leeyahay dastuurka JDFI oo ah kan mideeyay qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya islamarkaana xaqiijiyay xuquuqaha dimuqoraadiyadeed ee qoomiyadaha iyo shucuubta dalkeena itoobiya ayuu yidhi madaxwaynuhu sidoo kale waxa uu ka warbixiyay  madaxwaynuhu waxqabadkii sanadkii 2009TI taasi oo   guulo waawayn oo mug leh laga soo hooayay  iyada oo ay sanadkaasi dalka ka dheceen abaaro hadana wax saamayn ah kuma keenin geedi socodka xawaaraha horumarka ayuu yidhi madaxwaynuhu.

madaxwaynha ayaa sheegay in kor loo qaaday   koboca  dhaqaalaha dalka iyada oo  cabirka xawaaraha  dhaqaalaha  la gaadhsiiyay 10.9% taasi oo ahayd in la gaadho cabirka saadaasha 11,1.%  dhinaca wax soo saarka beeraha ayaa  guulo mug leh   taasi oo la gaadhsiiyay    koboca wax soo saarka beeraha  oo ay   saadaasha 8,0% halka lagaadhsiiyay 6.7% waxaana keenay inta yare ee  hoos u dhacu ku yimaado dhinaca wax soo saarka beeraha  in meelaha qaarkood ay ka dhacday abaaro iyo roob la aan halka ay meelaha qaarna saamaysay diirta maraykanku.

Madaxwaynaha ayaa  sidoo kale sheegay in guulo waawayn laga gaadhay dhinaca koboca warshadaha taasi oo la diwaangaliyay in uu gaadhay koboca warshaduhu qorshihii la saadaalinayay in la xoojiyay korna loo qaaday   wax-soo-saarka ganacsiga  iyada oo la gaadhsiiyay saadaashii la filayay dhinaca kale  sanadkan 2009TI  gudihiisa, waxqabad maaliyadeed ee dhaqaalaheena ayaa si wanaagsan loogu  guuleeystay. Si kastaba ha ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in la sameeyo dadaal dheeri ah oo natiijo lagu gaadhay ayuu yidhi madaxwaynuhu.

 Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay qorshaha sanadkan 2010TI  isaga oo sheegay in xoogo la saarayo qorshayaasha lagu gaadhayo hiigsiga xaqiijinta horumar waara oo aan soo noqod lahayn taasi oo loo baahan yahay in la muujiyo dadaalkii lagaga midho dhalinayo   hirgaliyo  koritaan dhaqaale oo deg deg ah iyada oo xooga la saarayo wax soo saarka dalaga ee  lagu hayago   warshadaho dheelitirka , sida warshadaha wax soosaarka sare iyo dhexe.Dhinaca kale waxa uu sheegay maedaxwaynuhu in xooga la saarayo shaqo abuurka dhalinyarada iyo kor u qaaditaanka iskaashatooyinka  taasi oo suurta galinaysa kor u qaaditaanka koboca meeliyadeed iyo midka  dhaqasho.

Ugu dambayntii Madaxwayanah JDFI  oo ay warbixintiisu ahayd mid aad u dheer ayaa waxa uu nurux keedu ahaa mid ku sar-go’an   taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee lagu tir tirayo saboolnimada laguna gaadhayo wadamada dhaqaalahoodu meel dhexaadka yahay.