Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Kooxaha Taageerada Adeega Caafimaadka Wajigii 2aad u Diray Gobolada DDSI.

Jigjiga,(cakaaranews)jumce, 3da November, 2017. Xafiiska caafimaadka DDSI oo dadaal xoogan ugu jira sidii looga midho dhalin lahaa istaraatajiyadaha iyo siyaasadaha caafimaadka ayaa 11 kooxood u kala diray 11 gobol ee deegaanka kuwaasi oo ah wajigii 2aad ee loogu talagalay in ay ka soo shaqeeyaan kor u qaaditaanka tayada adeegyada  rugaha caafimaadka dhamaan degmooyinka deegaanka.

Waxaana bixitaankii kooxahan caafimaadka la hadlay warbaahinta deegaanka wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali  oo  ka warbixiyay dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii looga midho dhalin lahaa qorshaha isbadalka koboca dhaqaalaha qaybtiisa 2aad (GPT2ga)  iyo qorshaha isku filnaanshaheena waan soo ceshan karaan ee beer,biyo caafimaad iyo cilmi  ay qaybka tahay kor u qaadida tayada  adeega caafimaadka DDSI.

wasiirka oo hadalkiisa siiwata  ayaa sheegay in xafiiska caafimaadka DDSI oo ka duulaya taaba galinta qorshayaasha xukuumada DDSI uu xooga saaray sidii bulshada deegaanka loo gaadhsiin lahaa adeeg caafimaad oo taya leh wasiirka ayaa sheegay in wajigii 1aad ee kooxahan uu xafiiska caafimaadka DDSI u diray dhamaanba gobolada DDSI ay ka soo shaqeeyaan islamarkaana guulo ka soo hooyeen kor u qaaditaanka tayada adeegyada caafimaadka ee ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee deegaanka wuxuuna sheegay in kooxadan maanta la dirayaana yihiin wajigii 2aad ee uu xafiiska caafimaadka DDSI u dirayo dhamaanba gobolada deegaanka kuwaasi oo ka soo shaqayntoona tayaysiinta adeegyada caafimaadka ay bixiyaan rugaha caafimaadka deegaanka, tababaro isku dhafka ka soo qabandoona rugaha caafimaadka deegaanka Wasiirka ayaa kula dar-daarmay kooxahan in ay si qoto dheer uga soo baxaan xilka iyo  waajibaadka loo egmaday si hagar la’aan ahna ugu adeegaan bulshada.

 

Dhankiisa gadhwadeenka geedi socodka qarshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaalne Xasan  oo warbixin dheeriya ka siiyay warbaahinta DDSI ujeedooyinka loo dirayo kooxahan ayaa sheegay in ay yihiin kooxo loogu talagalay in ay kor u soo qaadaan kana shaqaysiiyaan dar-dargalinta  rugaha  caafimaadka, tayada adeega caafimaadka, dhinaca maamulka cududa shaqaalaha, xog ururinta, xidhiidhka bah-wadaagta iyo  adeegsiga agabka caafimaadka. isaga oo intaasi ku daray in ay wax-wayn ku soo kordhindoonaan tayada adeega caafimaadka ee xurumaha degmooyinka goboladan loo diray.