Maamulka Gobolka Afdheer Oo Soo Kormeeray Goobaha Loo Diyaariyay Dajinta Dadka iyo Duunyada Ee Degmada Iimay-galbeed

Iimay-galbeed (cakaaranews)Jumce, 17ka November 2017. Maamulka gobolka afdheer ayaa kormeer hawleed kutagay degmada iimay galbeed si ay usoo indho-indheeyaan waxqabadka ku’aadan qorshaha BBC  iyo wlaiba dajinta bulshada iyo waxsoosaarka dalagyada kaladuwan ee beeraha ee loogu magacdaray ‘’iskufilaanshaheenee waan sooceshan karaa’’. Iyadoo degmada iimay galbeed ee katirsan gobolka afdheer ay samaysay waxsoosaarka dalagyada kaladuwan,goobaha loogu talagaay inladajiyo buslshada xoolodhaqatada ah iyo waliba goobaha naaxinta xoolaha.

Hadaba, Gudoomiyaha gobolka afdheer mudane Madoobe Macalin Ibraahim oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in hirgalinta qorshaha Biyo Baad Beer Cilmi iyo caafimaad ee loogu magacdaray ‘’Iskufilaanshaheenii Waan Soo Ceshan Karaa’’ sifiican uga socdo dhamaan degmooyinka gobolka afdheer, Islamar ahaantaana ay soo booqdeen degmada iimay galbeed si ay u indho indheeyaan waxsoosaarka ay sameeyeen iyo waliba goobaha loo diyaariyay dajinta bulshada. Wuxuuna xusay gudoomiyuhu  in  beerahani isugujiro calafka xoolaha iyo beeraha dalagayada kaladuwan ee dadku manaafacaadsado

Sidookale Gudoomiyaha Degmada Iimay-galbeed mudane Cabdiraxmaan Mataan Axmed oo isna dhankiisa kahadlay ayaa sheegay in dadaal badan ay sameeyeen islamarkaana ay beereen dalgayada kaladuwan kuwaasoo isugujira calafka xoolaha iyo waliba dalagyada kale ee beeraha. Waxuuna xusay in qorshahan lagu titirayo saboolnimada ee ay xukuumada DDSI sanadkan qaadatay ay siduu yahay u hirgalinyaan ka degmo ahaan.

 

Iskusoowada duuboo dhamaan degmooyinka deegaanka ayaa waxaa kasocdo dadaaladii iyo hirgalintii qorshaha BBC kaasoo  loogu magacdaray iskufilaansheenii waan soo ceshan karaa, islamarkaana ku'aadan tirtirida saboolnimada.