Barakac Cusub

Jigjiga(Cakaaranews) Sabti 18ka November 2017. Waxaa laga bilaabo maalintii khamiista ahayd oo ku beegnayd 15kii bishan novemeber ilaa maanta soo gaadhaya xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga  dad soomaali ah oo tira badan oo si hor leh ugasoo barakacay deegaanka oromiya gaar ahaan goobo kamid ah balbalayti,iyo  gursum.

Hadaba xafiiska kahortaga iyo udiyaargarawga masiibooyinka ee DDSI ayaa sheegay in dadkan soomaalida ah ee cusub ee kasoo barakacay deegaanka oromada ay tiradoodu gaadhayso in ka badan 300 oo qoys dadkaas oo ay xukuumadu deegaanku  dajin oogu samaysay senterka qolaji  islamarkaana loo qaybiyay raashin iyo agab kaladuwan. iyagoo dadkani kalasoo baxay deegaankii oromada ee ay daganaayeen dharkii ay xidhnaayeen oo kali ah.

Ugu danbayn waxay barakicintan cusub kusoo beegantay xili lagu jiray hirgalinta  qorshihii waanwaanta iyo nabadaynta labada shacab ee soomaalida iyo oromada.