Tababar Ku Saabsan Awaamiirta Ganacsiga Oo Ka Furmay Jigjiga

Jigjiga,(cakaaranews), axad, 19ka November, 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska ganacsiga,gaadiidka, iyo warshadaha DDSI oo loo qabtay dhamaan madax xafiiseedyada xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha ee degmooyinka iyo m.magaalooyinka DDSI ayaa ka furmay caasimada deegaanka ee jigjiga

Haddaba, tababarkan oo ay ujeedadiisu tahay sidii ay fahan buuxa looga yeelan lahaa  awaamiirta diiwaan galinta iyo bixinta shatiyada ganacsiga ee bayaanada tirsiga lambarkoodu yahay  980/2008 iyo sidii ay dabagalo ugu samayn lahaayeen hananka suuqyada iyo ururada ganacsiga islamarkana loo adkayn lahaa ilaalinta tartanka suuqyada xorta ah iyo xuquuqda macamiisha si looga hortago si wadajira xidhxidhnaanta ganacsiga  aan sharciga ahayn ama waxa loo yaqano monopoly

Waxaana furitaankii tababarkan ka hadlay wasiir ku xigeenka  ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane mudane Ibraahin Maxamed Maxamuud oo ka warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan wuxuuna  sheegay in loo baahan yahay in fahan balaadhan ay ka qaataan  masuuliyiintani degmoyinka iyo mm DDSI mudada uu socdo tobobarkani isla markana shaqadooda ay kamuuqato

Dhankiisana waxaa kulankani kahadlay gadhwadeenka geedi socodka fidinta nidaamka ganacsiga ee xafiiska ganacsiga, gaadiidka iyo warshadaha DDSI mudane Maxamed Cali oo sharax dheer ka bixiyay awaamiirta kala duwan ee nidaamka ganacsiga iyo hirgalintooda wuxuuna  tilmaamay in iyadoo laraacayo bayaanada ganacsiga ee dalka la dardargaliyo dhamaanba adeegyada ganacsiga sharciga ah  iyo sidii loola dagaalami lahaa  ganacsiga sharci darada ah wuxuna sheegay in uu tobobarkani socondoona mudo 3 maalmooda