Xaflad Lagu Maamusayo Maalinka Faraxalka iyo Suuliyada Aduunka Oo Kaqabsomay Magaalada jigjiga

Jigjiga (cakaaranews)Axad, 19ka November 2017. Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu Maamuusayay Maalinka Faraxalka iyo Suuliga Aduunka kana soo qaybgalen ardayda dugsiyada hoose-dhaxe ee maamulka magaalada jigjiga islamarkaana ay si wada jir ah u soo Diyaariyeen Xafiiska Caafimaadka DDSI iyo Xafiiska Waxabarshada DDSI ayaa si habsamileh uga qabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo caruurta DDSI.

 Hadaba, xafladan oo hal kudhag loga dhigay “Suuli Inaan Dhisto Si Nadiif ahna u Isticmaalo Waa Sharaftayda iyo Cafimaadkayga” ayaa waxaa ka hadalay Wasirka Xafiiska Caafimaadka DDSI Mudane Xasan Ismacil iyo Wasiir-Kuxigenka Xafiiska Waxbarshada DDSI Mudane Maxamuud Axmed Nuur(Heeryo) oo halkaas kasoojeediyay Muhimada ay leedahay farxalka iyo isticimalka suuliyada cafimaad ahaan, iyo in ay lagama maarmaantahay in la ilaaliyo faayodhawrka shaqsi ahaan iyo kadeegaan ahaan, waxayna tilmaameen in xafladani ay tahay mid lagaga hadlayo nadaafada guud gaar ahaan faraxalka iyo isticmaalka suuliyada ama musqulaha.

 

Ugudanbayna, Xafladan ayaa waxaa Abaalmarin la gudonsiyay Dugsiyada Kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad ku guulaystay dhinaca faayodhawrka iyo Nadaafada, iyadoo abaalmarintana uu gudoonsiiyay wasiir-kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI Mudane Maxamud Axmed Nuur(Heeryo) waxaana, kalinta 1aad galay Dugsiga Axmed Guray,  Kalinta 2aadna Dugsiga Wiil Waal halka Kalinta 3aadna uu ku guulaystay Dugsiga Dudahida.