Jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ayaa 1millyan oo Birr ku Wareejisay Barakacayaasha DDSI.

Jigjia,(cakaaranews), Axad, 19ka November, 2017. Jaaliyada DDSI ee wadank sweedan ayaa deeq lacageed oo dhan 1millyan oo birr oo ay ugu talagaleen bulshada  DDSI ee laga soo barakiciyay gudaha deegaanka oromada  ku wareejisay gudiga soo barakacayaasha deegaanka.

Waxaana, deeqdan lagu wareejiyay gudiga soo barakacayaasha DDSI oo ay ka mid yihiin gudoomiyaha gudiga soo barakacayaasha DDSI mudane khadar macalin cali, garaad Kulmiye Garaad Maxamed Dool, iyo mudane Cabdikariin Qalinle waxaana ugu horayntii ka  hadlay gudoomiyaha gudiga soo barakacayaasha DDSI  mudane khadar macalin cali oo ugu horayntii si mug leh ugu mahad celiyay guud ahaanba jaaliyada DDSI gaar ahaan jaaliyada DDSI ee wadanka swedan dadaalka xoogan  ee ay kaga qayb-qaadanayaan gar-gaarka iyo    taakulaynta la gaadhsiinayo  bulshada DDSI ee laga soo barakiciyay gudaha deegaanka oromada isaga oo ku booriyay jaaliyadaha kale ee DDSI ay eek u nool daafaha aduunku in ay ka qayb-qaataan gar-gaarka iyo taakulaynta bulshada la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee laga soo barakiciyay gudaha deegaanka oromada.

Dhankiisa wakiilka jaaliyada DDSI ee wadanka swedan  uga ahaa deeqdan lacagta ah  mudane  Cabdirisaaq Cabdilaahi sheekh Biixi ayaa sheegay in ay maanta farxad u tahay in  deeqdan ay soo ururiyeen jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ku wareejiya gudiga soo barakacayaasha DDSI wuxuuna sheegay in jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden ka go’antahay sidii ay uga qayb-qaadan lahayd dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI iyo qaybaha kala duwan ee shacabwaynaha DDSI ugu jiraan  taaba galinta qorshayaasha horumarineed ee deegaanka isaga oo sheegay in jaaliyada DDSI ee wadanka Sweden  oo hogaamiteedu dhisan tahay muddo kooban ay  si dhaw uga jawaabtay baaqii xukuumada DDSI ee ahaa in laga qayb-qaato gar-gaarka iyo taakulaynta la gaadhsiinayo bulshada DDSI ee soo  laga soo barakiciyay deegaanka oromada wuxuna sheegay in ay jaaliyada sii xoojinayso ka qayb-qaadashada hawlaha horumarka iyo  nabadgalyada.