Xukuumada DDSI Ayaa 4000 Kun Oo Dhalinyara Ah Ku Shaqaalaysiisay Nidaamka Bakhtiyaa Nasiibka ah.

Jigjiga,(cakaaranews), isniin, 20ka, November, 2017. Xukuumada DDSI ayaa xooga saartay sidii loo  tir-tirilahaa  shaqo la aanta islamarkaana shaqo abuurka loogu samayn lahaa dhamaan dhalinyara DDSI ee  ka soo qalin jabiyay jaamacadaha iyo kuliyadaha kala duwan ee dalka.

Haddaba waxaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee Sayid MCX ee magaalada jigjga munaasabada  lagu shaqaalaysiinayo in ka badan 4000 kun oo ah dhalinyarada ka soo qalin jabiyay jaamacadaha dalka kuwaasi oo lagu shaqaalaysiiyay nidaamka iskaa isku meelee oo ah in uu qofku si bakhtiyaa nasiib ah ku qaato warqada ay ku qorontayay booska iyo meesha shaqadu.

Munaasabadan oo ay ka soo qaybgaleen qaarka mid ah masuuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah ee DDSI  marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in sanadkii hore ahayd markii nidaamkan oo kale lagu shaqaalaysiiyay in ka badan 7000 oo dhalinyarada waxka soo baratay jaamacadaha dalka ah  tana tahay markii labaad ee ay xukuumada DDSI halmar ku shaqalaysiiso nidaamka bakhtiyaa nasiibka dhalinyarada ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka in ka badan 4000  waxayna ku boorisay madaxwayne ku xigeenku in ay dhalinyaradan maanta qaadanaysa warqada shaqaalayntu si xilkasnimo leh ugu soo shaqeeyaan bulshada deegaanka 

Waxaa kale oo ka hadlay munaasabadan wasiirka madaxtooyada DDSI mudane cabdimahad maxamed cabaase oo  ka warbixiyay jihooyinka iyo istaraatajiyadaha lagu tir tirayo saboolnimada iyo shaqo la aanta wasirka ayaa ku booriyay dhalinyaradan ka soo qalin jabisay jaamacadaha kala duwan ee dalka ee ay xukuumada DDSI ku shaqaalaysiisay maanta nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah in ay tagaan koobkasta oo uu nasiibkoodu ku qoray islamarkaana ay si hagar la aan ah aqoontooda ugu soo shaqeeyaan bulshada deegaanka

Dhankiisa wasiirka adeega shacabka iyo horumarinta cududa shaqaalaha DDSI mudane ahmed maxamed koore ayaa sharax dheerka bixiyay kaalinta ay shaqaalaha dawladu ku leeyihiin taaba galinta qorshayaasha horumarinta isaga oo sheegay in ay xukuumada DDSI awooda saartay in dhalinyarada DDSI ee ka soo qalin jabisay jaamacadaha dalka dhamaantood loo shaqalaysiin lahaa wuxuuna ku booriyay in ay dhalinyaradani ka soo baxaan xilka iyo waajibaadka loo igmaday islamarkaana ay bulshada gaadhsiiyaan adeeg hufan.

 

Ugu danbayna waxaa dareen kooda ka hadlay qaar kamid ah dhalinyaradan maanta ku qaatay warqada shaqaalaynta nidaamka bakhtiyaa nasiibka ah waxayna  sheegay inay aad iyo aad ugu farxasanyihiin bakhtiyaa nasiibka la qaadanayo taas oo ku salaysan cadaalad iyo sinaan kana reebantahay eex iyo nin jeclaysi.