Tababar Ku Saabsan Horumarinta Khayraadka Xoolaha Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Jigjiga

Jigjiga(Cakaaranews) Talaado 21ka November 2017. Tababar uu soo diyaariyay xafiiska horumarinta xoolaha iyo reer-guuraaga DDSI oo ay ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadilahaa tayada khayraadka xoolaha DDSI ayaa lagu soo gabagabeeyay madasha shirarka ee qaryaan dhoodaan ee caasimada deegaanka.

Tababarkan oo loo qabtay hogaaminta gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka DDSI ayaa waxaa  xidhitaankiisii ka hadaay wasiirka xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga DDSI marwo Maajida Maxamuud Maxamed oo ka warbixisay ahmiyada iyo ujeedooyinka uu lahaa tababarkani waxayna sharax dheer kabixisay jihooyinka iyo istaraatiijiyadaha kor loogu qaadayo tayada iyo tirada xoolaha deegaanka iyada oo la raaciyo nidaamyo casriya oo loogu talagalay in lagu horumarinayo tayada iyo tirada xoolaha deegaanka wasiirada ayaa ku boorisay hogaaminta maamulada gobolada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinku in ay ka midho dhaliyaan ujeedooyinka iyo ahmiyada laga lahaa tababarkan. Si kor loogu qaado hab nololeedka bulshada xoolo dhaqatada deegaanka iyo ka faa’iidaysiga khayraadka xoolaha deegaanka.

Dhankooda qaarka mid ah mas’uuliyiinta loo qabtay tababarkan oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in mudadii uu tababarku socday fahan buuxa oo ku salaysan sidii loo hirgalin lahaa nidaamyada casriga ah ee kor loogu qaadayo tayada iyo tirada xoolaha deegaanka waxayna sheegeen in ay sidii loogu talagalay u hirgalinayaan ujeedooyinkii laga lahaa tababarkan waxaana mudadii u socday tababarkani cashiro ka bixinayay khabiiro ka socda xafiiska xoolaha iyo horumarinta reer-guuraaga DDSI.