Kulan Kusaabsan Wacyigalinta Caruurta Baahida Gaar Ka Ah Qabta Oo Ka Qabsoomay Xafiiska Waxbarashada DDSI.

Jigjiga(cakaaranews)Talaado, 21ka November 2017. Kulan wacyigalin iyo dhiirigalin isugu jira  oo kor loogu qaadayo mooraalka iyo waxbarashada dadka baahida gaarka ah qaba gaar ahaan caruurta naafada ah iyo waalidiintooda islamarkaana ay fulintiisa iska kaashadeen xafiiska waxbarashada DDSI iyo Iskaashatada wacyigalinta dadka baahida gaarka ah qaba (naafada ah) ayaa kaqabsoomay hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada DDSI.

kulankan wacyigalinta ah  ayaa waxaa kasooqaygalay arday ka kala socotay  7 dugsi oo kamid ah dugsiyada hoose, dhexe ee maamulka magaalada Jigjiga kuwaasoo ay waxkabartaan ardayda baahida gaarka ah qabta iyo waliba waalidiinta iyo macalimiinta ardaydaas.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Maxamuud Axmed Nuur (Heeryo) oo ugu horayn u mahadceliyay dhamaan waalidiinta iyo ardayda kasooqaybgashay kulankan. Wuxuuna xusay in kulankani yahay mid wacyigalin ah oo kuaadan  caruurta baahida gaar ka ah qabta iyo waliba macalimiinta iyo waalidiintooda kaasoo lagu wacyigalin hayo in caruurta baahida gaarka ah qaba lasiiyo xuquuqda ay leeyihiin haday waxbarashada tahay iyo haday tahay adeegyada kale ee ay u baahan yihiin. Wuxuuna tilmaamay wasiir-kuxigeenku in waxbarashadu tahay adeegyada ugu muhiimsan ee lasiiyo caruurta baahida gaarka ah qabta. Islamarkaana ilmo-kasta oo baahi gaar ah qaba ama naafo ah uu wax-baran karo islamarkaana aqoon iyo xirfad intaba yeelan karo.

Dhankakale, kulnkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay intii uu socday xubno naafo ah oo dhanka dhimirka ah oo leh aqoon ama xirfado kaladuwan oo halkaas kusoobandhigay xirfadooda iyo aqoontooda ay heleen kadib markii moral iyo wacyigalin balaadhan lasiiyay.

 

Iskusoowada duuboo, kulankan, ayaa iyana hadalo muhiim ah kasoojeediyay xubno  kasocday iskaashatada wacyigalinta daka baahida gaar ka ah qaba oo kusaabsan wacyigalin ku’aadan dadka baahida gaarka ah qaba iyo waalidiintooda islamarkaana sheegay in qofkastaa uu noqonayo kolba sidii uu iska dhigo isagu.