Daraasaad ku’aadan Baahiyaha Adeegyada Biyaha iyo Daaqa Ee Kajira Degmooyinka Deegaanka Oo Loo Diray 150 Xubnood

Jigjiga(cakaaranews)Arbaco, 22ka November 2017. Kulan kusaabsan sidii daraasad looga soo samaynlahaa dhamaan degmooyinka deegaanka islamarkaana uu soo diyaariyay xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibooyinka DDSI, loona qabtay 150 xubnood oo kakalasocday xafiisyada deegaanka iyo hay’adaha ay bahwadaagta yihiin xafiiska ayaa kaqabsoomay magaalada jigjiga.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Kahortaga iyo U Diyaargarawga Masiibooyinka mudane Anwar Cali oo sheegay in kulankani yahay kulan lagu soo samaynayo daraasaad kuaadan roobabkii guga iyo dayrta  iyo saamayntii ay keentay abaartii sanad hore. Wuxuuna intaa kudaray in kulankan uu yahay mid ay kasooqaybgaleen 150 xubnood oo kakalayimid xafiisyada iyo hayadaha bahwadagta ay yihin xafiiska islamarkaana xubnahani ay daraasaad kasoo samaynayaan dhamaan degmooyinka iyo gobolada deegaanka mudo dhan 15 cisho. wuxuuna wasiiruxigeenku kula dardaarmay kaqaybgalayaasha kulankan in si wanaagsan oo wadaniyad leh u soo sameeyaan daraasaadkan.  

Dhankakale, Gadhwadeenka G/S Digniinta Hore iyo Jawaab-celinta ee xafiiska kahortaga iyo u diyaargarawga masiibiooyinka Cabdirisqi Axmed oo isna warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in kulankani yahay mid uu xafiisku sanadwalba sameeyo 2 jeer islamarkaana daraasaad lagu soo smaeeyo dhamaan baahiyaha bulshada kunool degmooyinka deegaanka, kadibna uu xafiisku udiyaariyo jawaab-celintiisa ku’aadan baahiyahaas lasoo darsay. Iyadoo daraasaadkana laga samaynayo dhanka biyaha, ceelasha, iyo daaqa

 

Ugudanabyna, kulankan ayaa waxaa kaqaybgalaaysha loogu soo bandhigay nidaamyadii daraasaadka loosoo samynlahaa.