Shaqaalaha Xaf-Waxbarashada DDSI Oo Loo Qabtay Kulan Kusaabsan Kamidho-Dhalinta Qorshayaasha Xafiiska

jigjiga(cakaaranews)Khamiis 23ka November 2017. waxaa maanta hoolka shirarka ee xafiiska waxbarashada kaqabsoomay kulan kusaabsan tubaha iyo xeeladaha ka midho dhalinta qorshayaasha u yaala xafiiska ee kuqotama qorshaha wajiga 2aad ee koboca iyo isbadalka dhaqaalaha  islamarkaana ay kasooqaybgaleen heerarka kalduwan ee shaqaalaha xafiiska waxbarashada DDSI.

Hadaba, kulankan oo ujeedaiisu ahayd sidii shaqaalaha fahan buuxa looga siin lahaa habka ama nidaamka kamidho dhalinta qorshaha ee looyaqaano (deliver logy) ayaa waxaa shaqalaha u soo bandhigay Gadhwadeenka Geedi-socodka Horumarinta Dugsiyada ee xafiiska waxbarashada DDSI mudane Xuseen Maxamud Daahir oo sheegay in kulankani  yahay mid uu shaqaalha ugu soo bandhigayo nidaamka (deliverology) kaasoo ah hab ama nidaam kusalysan sidii shaqaaluhu uga midho dhalin lahaayeen qorshayaasha u yaala xafiiska islamarkaana kor loogu qaadi lahaa natiijada ardayda.

Dhanka kale, kulankan ayaa waxa uu agaasinku si faahfaahsan u soo bandhigayay cilmiga kusaabsan nidaamkan deliverlogy iyo waliba faa’iidooyinka uu u leeyahay ka xafiis waxbarasho ahaan.

 

Iskusoowada duuboo, waxaa xusid mudan In kadib markii 22 xubnood oo kakalsocda xafiiska waxbarashada DDSI iyo xafiisyada waxbarashada degmooyinka iyo MM islamarkaana uu hogaaminyo wasiir kuxigeenka xafiiska waxbarashada DDSI ay mudo 20 cisho ah aqoon iswaydaarsi ku’aadan nidaamka kamidho dhalinta qorshayaasha (deliver logy) iyo waliba kor uqaadista natiijada ardayda. kaasoo ay ku soo qaateen magaalada adhisababa kadibna soo diyaariyeen qorshayaashhiisa tanina ay tahay mid loo sii gudbinayo dhamaan shaqaalaha si fahan midaysan looga qaato.