Kulan Lagu Qiimaynayay Adeeg-bixinta Gaadiidka yaryar Ee MMJ Ka Dhax Shaqeeya

Jigjiga(cakaaranews)Sabti, 25ka November 2017.Kulan lagu qiimaynayay adeegbixinta  gaadiidka yaryar ee sida Bajaajta iyo Forsida ee ka dhax shaqeeya MMJ islamarkaana ay kasoqaybgaleen mulkiilayaasha iyo darawaladuba, diiradana lagu saarayay dhanka shaqadooda iyo sida ay ula dhaqmaan bulshada ay u adeegaan iyo waliba fulinta shuruucda loogu talagalay dhanka qiimaha iyo wadooyinka ay ka kala shaqeeyaan ayaa si habsami leh uga qabsoomay barxada hore ee xafiiska ganacsiga gaadiidka iyo warshadaha DDSI.

Hadaba, kulankan ayaa waxaa furitaankiisii ugu horayn kahadlay Wasiir-kuxigeenka Xafiiska Ganacsiga, Gaadiidka iyo Warshadaha DDSI mudane Ibraahim Maxamed Oo sheegay in bahda gaadiidka yaryari ay si fiican oo wadaniyadleh ay ugu shaqeeyaan bulshada MMJ islamarkaana ay sitoos ah ugu hogaansamaan shuruucda gaadiidka yaryar ee u adeega shacabka. Wuxuuna intaa kudaray in gaadiidka yaryari noqdaan kuwo shaqeeya saacadaha ardaydu dugsiyada aadayso sidookalana shaqaaluhu ay tagayaan xafiisyadooda.

Dhankakale, Gadh-wadeenka G/S Dhisida iskaashatooyinka gaadiidka iyo badbaadada shilalka mudane Maxamed Cabdiraxmaan Aadan oo isna kahadlay kulankan ayaa sheegay in kulankani yahay mid gaadiidlayda yaryar lagu siinayo casharo laxidhiidha shuruucda gaadiidka yaryar iyo sidii ay ugu hogaansami lahaayeen islamarkaana diirada lagu saarayo sidii gaadiidlaydu ay si wanaagsan oo sharciga waafaqsan ugu adeegi lahaayeen shacabka MMJ. Maadaama oo uu shacabku isugu jiro kuwo danyar ah kuwo dhexdhexaad ah iyo kuwo hayntoodu fiicantahay.  Wuxuuna xusay In sharciga qiimaha bajaajta ee wadooyinka ay kudhaqmaan islamarkaana shacabku adeeg iskumid ah helaan oo aan midna lacag badan laga qaadin midna lacag yar.

Sidookale, Kaysar Cabdi Khaliif oo isna ah agaasinka qaabilsan dhanka gaadiidka ee xafiska ganacsiga iyo gaadiidka MMJ ayaa sheegay in sida ugu haboon u dhaqangalinayaan maadaama oo ay shaqada u hayaan shacabka, wuxuuna intaa kudaray in si sharciga waafaqsan loogu dhaqmo shaqadooda oo ay uhogaansamaan sharciga qiimaha wada kasta iyo xaafadkasta o ay ka shaqaynayaan.

 

Ugudanbayna, dhankooda, qaarkamid ah mulkiilayaasha iyo darawalada oo dareenkooda kahadlaya ayaa sheegay in ay si toos ah ugu hogaansamayaan shurucda gaadiidka yaryar loo dajiyay islamarkaana ay si isku mid ahn ula dhaqamayaan bulshada haday qiimaha tahay iyo haday tahay macaamilka kaleba.