Xaflad lagu Abaal Marinayay Ardayda Dhibcaha Sare Ka Keentay Imtaxaanka Heer Qaran

Jigjiga(cakaaranews)Axad, 26ka November 2017.Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loo qabtay ardayda sanadkan 2010 T.I ay qaabishay jaamacada Jigjiga islamarkaana lagu abaalmarinayay ardayda natiijada sare ka keentay imtaxaanka heer qaran ayaa ka dhacday hoolka shirarka ee SMCX.

Xafladan ayaa waxaa kasooqabgalay masuuliyiin ay kamid yihiin madaxa arrimaha siyaasada ee XDSHSI mudane cumar maxamuud, wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Ibraahim aadan mahd iyo waliba madaxwayne kuxigeenka jaamacada jigjiga mudane ilyaas cumar masuuliyinkale oo kasocotay Jaamacada, ardyada iyo martisharafkale.

Hadaba, xafladan oo suu diyaariyay xarunta dhaxe ee XDSHSI ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxa Arrimaha Siyaasada Ee XDSHSI mudane Cumar Maxamuud oo sheegay in xafladani kusaabsan tahay soo dhawaynta ardayda cusub ee sanadkan 2010 T.I ee ay qaabishay jaamacdu. Wuxuuna xusay in xafladani tahay mid lagu dhiirigalinayo ardayda islamarkaana lagu abaalmarinayo ardayda dhibcaha sare kakeentay imtaxaanka heer qaran ee fasalka 12aad. Wuxuuna kula dardaarmay ardaydan cusub in ay noqdaan arday tayo leh oo ilaalisa shuruucda jaamacada iyo waliba shuruucda dalkeena ee kudhisan nidaamka fadaraalismka.

Sidookale, Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo isna dhankiisa kahadlay ayaa halkaas kasoa jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa isagoo si faahfaahsan uga hadlay sooyaalka taariikheed ee waxbarashada deegaanka, islamarkaana is barbardhig kusameeyay heerka waxbarasho ee uu maanta deegaanku taaganyahay iyo sanado kahor siduu ahaa deegaanku. wuxuuna xusay in ardaydu noqdaan arday tayo leh oo akhlaaq leh horumarka deegaankana qayb ka qaata.

Xafladan ayaa waxaa isna kahadlay Madaxwayne Kuxigeenka Jaamacada Jigjiga mudane Ilyaas Cumar oo  sheegay in jaamacadu ay bixinayso aqoon tayo leh islamarkaana ay bixinayso dhamaan adeegyada ay ubaahnaayeen ardayda jaamacadu. Wuxuuna intaa kudaray in ardayda looga baahanyahay in ay noqdaan kuwo leh dadaal iyo akhlaaq kudayasho leh oo ay ku daydaan qoomiyadaha kale ee jaamacada wax kadhigta, ilaashadaana jaamacadooda.

Dhankakale, Munaasabadan ayaa intii ay socotay abaal marin lagudoonsiiyay ardayda dhibcaha sare kakeentay natiijada imtaxaanka heer qaran ee fasalka 12aad.

Ugudanbayna, ardyada looqabtay xafladan oo dareenooda kahadlaya yaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin xafladan loo qabtay ee soo dhawaynta ah. Waxayna xuseen in kaalintooda ay kaqaadanayaan dadaalka loogalay oo ay si wanaagsan wax u baranayaan.