MW CMC Oo U Hambalyeeyay Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland.

Jigjiga,(cakaaranews), talaado, 12ka December, 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa  si mug leh usoo dhaweeyay caleemo-saarka madaxwaynaha cusub ee soomaaliland islamarkaana ugu hambalyeeyay  xilka loo doortay iyo xaflada caleemo-saarka madaxwaynaha cusub ee soomaaliland . Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaana ilaahay uga Rajaynaya  madaxwaynaha cusub ee somaliland  mudane Muuse Biixi Cabdi in ilaahay uu ku asturo  xilka culus ee loo doortay iyo in xilka madaxtinimo uu uga soo bixi doono si xilkasnimo iyo wadaniyad kudheehan tahay islamarkaana uu noqon doono mid horumar waara gaadhsiiya shacabwaynaha  somaliland.

Sidoo kale madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa shacabwaynaha  soomaaliland ugu hambalyaynaya madaxwaynaha cusub ee ay doorteen wuxuuna urajaynayaa shacabwaynaha soomaaliland inay madaxwaynaha cusub ula shaqeeyaan sidii ay udoorteen islamarkaana  ay garab istaagaan.