Wasiirka Wasaarada Gaadiidka Ee JDFI Oo Kaqaybqaadan doona Caleemo-saarka Madaxwaynaha Cusub Ee Soomaaliland

Jigjiga(Cakaaranews) Arbaco, 13ka December, 2017.Wafti uu horkacayo wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI mudane Axmed Shide iyo wafti kale oo ay hogaaminayaan gudoomiyaha odayaal dhaqameedka deegaanka DDSI Garaad Kulmiye Garaad Maxamed iyo ugaas mustafe ayaa lafilayaa inay maalinta bari ah gaadhaan magaalada hargaysa iyagoo halkaa kaga qaybqaadan doona munaasabada calaamo-saarka madaxwaynaha cusub ee soomaaliland oo maalinta saadanbe ah oo kubeegan 14ka bishan kadhici doonta magaaladaasi hargaysa ee xarunta somaliland.