Wafti Isugu jira Heer Federal Iyo Heer Deegaan Oo Ka Qaybgalay Xaflada Caleemo Saarka Madaxwaynaha Cusub Ee Somaliland

Hargaysa(Cakaaranews) Arbaco 13ka December 2017. Wafti ka socday JDFI oo uu hogaaminayay wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI mudane Axmed Shide iyo wafti balaadhan oo ka socday DDSI oo uu hogaaminayya madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka iyo dhismaha DDSI mudane Cabdixakiin Cigaal Cumar oo ay ku wehelinayaan wasiiro, wasiiro ku xigeeno iyo hogaaminta odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa ka qaybgalay xaflada caleemo saarka madaxwaynaha cusub ee soomaliland mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka dhacday xarunta somaliland ee hargaysa.

Xafladan oo ahayd mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kale oo ka soo qaybgalay wufuud ka kala socoday wadamada dariska la ah soomaliland ee ay jabuuti, kenya, ugaandha iyo wakiilo ka socday beesha caalamka.

Waxaana ka hadlay xafladan caleemo saarka wasiirka wasaarada gaadiidka JDFI mudane Axmed Shide oo ugu horayntii ugu hambalyeeyay xukuumada iyo shacabka somaliland bisaylka siyaasadeed iyo nabadgalyada ay gaadheen sidoo kalena ugu hambalyeeyay doorashada madaxwaynaha cusub ee maanta la caleemo saarayo wasiirka ayaa sharax dheer ka bixiyay xidhiidhka wanaagsan ee soo jireenka ah ee ka dhexeeya somaliland iyo itoobiya iyo qorshayaasha lagu sii adkaynayo xidhiidhka wanaagsan wuxuuna sheegay in uu madaxwaynaha cusub ee maanta la caleemo saaray u rajaynayo in ilahay u fududeeyo xilkan culus ee loo idmaday.

Munaasabadan oo ahayd mid ku qabsoontay jawi qurux badan ayaa dhankiisa waxaa ka hadlay madaxwaynihii hore ee maanta xilka wareejiyay mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo khudbad dheer ka jeediyay munaasabada kula dardaarmay madaxweynaha cusub in uu noqto mid ka midho dhaliya geedi socodka horumarka soomaliland islamarkaana uu noqdo mid shacabka soomaliland gaadhsiiya hiigsiga himilooyinka horumarineed.

Sidoo kale madaxweynaha cusub ee xilka la wareegay mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dheerka soo jeediyay xafladan ayaa ugu horayntii u mahad naqay wufuuda ka kala socday wadamada dariska wuxuuna balanqaaday in uu si daacad ah u gudan doono waajibaadka la saaray islamarkaana shanta sano ee soo socta ku hogaamin doono Somaliland niyad wanaag iyo horumar. madaxwaynaha cusub ayaa sheegay in uu wadamada dariska iyo beesha caalamka kala shaqayndoona taaba galinta xidhiidhka iskaashiga iyo adkaynta xidhiidhka daris wanaaga.

Ugu Danbayna wafuudii ka kala socday wadama dariska iyo beesha caalamka oo ka hadlay xafladan ayaa somaliland ugu mahad naqay guulaha ay ka gaadhay taaba galina dimuqoraadiyada iyo nabadgalyada u booriyeen shacabka iyo xukuumada somaliland iyo waliba madaxwaynaha cusub ee maanta la caleemo saaray in ay sii xoojiyaan ka midho dhalinta geedi socodka horumarka iyo nabadgalyada.