Kulan Khibrad Wadaag Ah Oo Ay Yeesheen Gudi Ka Socday Xafiiska Waxbarashada Puntland iyo Xafiiska Waxbarashada DDSI

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 18ka December 2017. Gudi ka socday xafiiska waxbarashada dawlad goboleedka Puntland oo khibrad wadaag uyimid deegaanka ayaa kulan khibrad wadaag ah la yeeshay aagisimayaasha xafiiska waxbarashada DDSI oo kaashanaya hay’ada UNICEF   ayaa ka qabsoomay xafiiska waxbarashada ee DDSI.

Hadaba agaasinka horumarinta  manhajka waxbarashad ee xafiiska waxbarasha DDSI ahna kusimaha wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Cabdulaahi Idiriis oo ugu horayn ka hadlay kulankan khibrad wadaaga ah ayaa sheegay inuu kulanyahay mid khirad wadaag ah oo ay yeesheen gudi ka socday dawlad goboleedka puntland iyo xafiiska waxabarashada DDSI ujeedadiisuna yahay siday gudiga khibrad ooga qaadan lahayeen qaab shaqeedka  xafiiska waxbarashda DDSI gaar ahaan qaab shaqeedka waaxda waxbarashada baahida gaarka ah iyo reerguuraaga . wuxuuna mas’uulka intaa kudaray in khiradwadaagan ku saabsan yahay sida dadka xooladhaqatada ee reerguuraaga ah loo gaadhsiiyo adeega waxbarashad islamarkaana ay gudigani ka heli doonaan faaiidooyin badan oo ku saabsan adeega waxbarasho ee uu xafiisku  siiyo bulshada reer guuraga ah deegaanka maadaamo oo uu deegaanku badankii yahay bulsho xoola dhaqoto ah.

Ugu danbayna waxaa kulankaas khibrad wadaaga ah lagusoo bandhigay documentiyo ka turjumaya qaab shaqeedka xafiiska waxbarashada DDSI uu bulshada xoola dhaqatada ah ku gaadhsiiyo adeega waxbarasho.