Raysal-wasaaraha JDFI Oo Ka Tacsiyeeyay Shacabkii Soomalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Deegaanka Oromada.

Addis-ababa(cakaaranews),isniin, 18ka, December, 2017. Raysal-wasaaraha  JDFI mudane Hailemariam Desalegn Ayaa Ka tacsiyeeyay Dadkii Soomaalida ahaa ee xasuuq wadareedka loogu gaystay  deegaanka oromada gaar ahaan qabalaha gaadula ee degmada Daro-labu ee galbeedka Hararge  taariikhdu maray ahayd 6dii bishan Tahsas 2010TI ama 15kii bishan December 2017. Raysul wasaaraha ayaa u tacsiyadeeyay shacabka itoobiya gaar ahaan shacabka DDSI khaasatan  eheladii, iyo qaraabadii  laga xasuuqay shacabkii soomalida ahaa. Raysalwasaaraha   ayaa  sheegay in dadkan la xasuuqay ay ku sugnaayeen xeryaha booliska oromada si ay magangalyo ugu helaan naftooda isagoo raysal-wasaaruhu cadeeyay in isla xeryihii booliska xasuuq wadareed arxan-daro ah loogu gaystay.

Raysal-wasaaraha JDFI ayaa sheegay inuu xasuuqan uu ku soo aaday xili dhibaatooyinkii ka dhex dhacay shacabka labada deegaan xal nabadgalyo oo waara looga gudbay islamarkaana labada dawlad deegaan iyo xukuumada federalkuba  ay shaqooyin muhiim ah kaqabteen nabadaynta labada shacab iyada oo ay xaaladu halkaa marayso ayaa waxaa dhacday in dadkii soomaalida ahaa ee ku noolaa gudaha oromada kuna sugnaa xeryaha booliska deegaanka oromiya la xasuuqay.

Raysil wasaaraha oo dhacdataasi lagu xasuuqay shacabka soomalida ah ka hadlaya   waxa uu yidhi” Waxaan idin cadaynayaa in iyadoo ay dawladu dhacdadan cambaaraynayso aan hadana arrintan u aas-aasnay Gudi xoog leh oo dhacdadan soo xaqiijiya,kadib marka ay soo xaqiijiyaana waxaan shacabka u shaacin doona natiijada dhacdan.waxaana marlabaad idiin xaqiijinaynaa in marka natiijada la soosaaro aan talaabo sharci ah kaqaadi doono dadkii falkan foosha xun gaystay”.

Ugu dambayntii  Raysil wasaaraha ayaa sheegay  in dadka soomaalida ah iyo oromadu  yihiin dad walaalo ah oo qarniyo wada noolaa islamarkaana loo baahan yahay sidii ay u soo ceshan lahaayeen nabad ku wada noolaanshihii soo jireenka ahaa ee labada dhinaca iyo daris wanaagii ka dhaxeeyay labada shacab islamarkaana ka fogaadaan ficilada xun xun ee keenaya isku dhaca labada qoomiyadood.