MW CMC Oo Ka Tacsiyeeyay Dadkii Soomaalida Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Deegaanka Oromada

Jigjiga(Cakaaranews) Isniin 18ka December 2017. Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray dhamaan shacabwaynaha reer itoobiya, shacabka deegaanka khaasatan qoysaskii iyo eheladii dadkii sida arxan darada ah xasuuq wadareedka loogu geestay qabalaha Gaadula ee degmada Daaru Labo ee galbeedka harargee ee deegaanka oromiya samir iyo iimaana allah kasiiyo. Wuxuuna madaxwaynuhu allah ubarayay dadkaas sida axmuqnimada ah loo xasuuqay ee gacanta ka xaqdaran dishay in ilaahay janutul fardawsa kawaraabiyo dadkii ay ka baxeena allah badal khayr qaba oogu badalo.

Dhakooda odayaal dhaqameedka deegaanka ayaa tacsi tiiraanyo leh udiray shacabwaynaha reer itoobiya, shacabka deegaanka gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii dadkii sida arxan darada ah xasuuq wadareedka loogu geestay qabalaha Gaadula ee degmada Daru Labo ee deegaanka oromiya samir iyo iimaana allah kasiiyo badal khayr qabana allah siiyo.