Gudoomiyaha Gobolka Nogob Oo Soo Indho-Indheeyay Tabaca Beeraha Ee Degmada Ilo-Horshagax

Ilo-Horshagax (cakaaranews)Khamiis, 21ka December 2017. Gudoomiyaha gobolka nogob oo ay waheliyaan masuuliyiin kale oo heer Gobol iyo Heer degmo isugujira ayaa kormeer indho-indhayn ah ku gaadhay wax soosaarka tabaca beeraha ee laga fuliyay degmada Ilo-horshagax. Kaasoo ay si wada jira ah ufiliyeen Maamulka iyo shacabka degmadaasi. Tannina ay kamid tahay fulinta iyo kamidho dhalinta qorshaha ay Xukuumada DDSI qaadatay sanadkan 2010 T.I  ee magaciisa Loosoo gaabiyo ‘’BBC’’

Hadaba, Gudoomiyaha Gobolka Nogob mudane Axmed Aadan Axmad oo sheegay in ay soo booqdeen degmada ilo-horshagax islamarkaana ay indhoohooda ku harkeen qorshihii xukuumadu qaadatay sanadkan 2017 ee Biyo, Baad, Beer, Cilmi iyo Caafimaad (BBC) kaasoo ay sal u ahaayeen kafaaiidaysiga dhulka iyo dajinta dadka si looga baxo saboolnimada maadaama cadawga koobaad ee deegaankeenu yahay saboolnimda. Wuxuuna xusay in degmada ilo-horshagax ay ahayd meel aan biyo iyo baadba lahayn, oo aan dadku kunoolaan Karin hadana ay tahay meel horumeerkeedu si fiican usocdo taasina ay sababtay xukuumada DDSI kadib markii la aasaasay halyayda liyu-booliska islamarkaana ay meel saareen nabaddiidkii deegaanka, kuna guulaysteen xasilinta iyo nabadgalyada deegaanka.

Dhanka kale, Gudoomiyaha degmada ilo-horshagax Maxamed cali oo sheegay in beerahani ay kamid yihiin fulinta iyo hirgalinta qorshayaasha BBC taasoo ay siwada jir ah uwada fuliyeen maamulka degmada ilo-horshagax iyo bulshada kudhaqan degmadaasi. Wuxuuna intaas kudaray in qorshahan BBC uu XDSHSI u qaatay in bulshadu kaga baxdo saboolnimada. Iyadoo maamulkuna uu u guntanayo fulinta adeegyada kale ee BBC, laguna guda jiro dajintii dadka.

 

Ugudanbayna, bulshada oodareenkooda kahadlaya ay sheegay in ilo horshagax ay ahayd meel lama galaan ah oo oon dartii loogu dhiman jiray maanatana ay ilahay kumahadinayan waxqabadka iyo horumarka kasocda.