MMW Iyo 400 Oo Dhalinyar Ah Oo Lagu Wareejiyay Lacago Shaqo Abuur Loogu Samaynayo

MM Wajaale(Cakaaranews) Khamiis 21ka December 2017.Waxaa maanta maamulka magaalada wajaale kulan balaadhan oo lacago lagu wareejinayay  dhalinyartii iskaashatooyinka iskugu xidhnaa ee shaqo abuur loo sameeyay  oo ka kkoban 22 iskaashato oo dhan 400 oo dhalinyaro ah islamarkaana loo qaybiyay lacagihii shaqo abuurka loogu samaynayay oo dhan 6 milyan oo birr.

Hadaba  kulnkan 400 boqol ee dhaliyarta ah ee loogu qaybiynayay lacagaha shaqo abuurka loogu samaynayo oo ay kasoo qaybgaleen wasiirka xafiiska dhalinyarta iyo ciyaaraha DDSI ahna lataliyaha madaxwayanaha ee dhanka saxaafada mudane Maxamed Bile Xasan  iyo maayarka MMW mudane Maxamuud Cabdi Muxumed  ayaa waxaa ugu horayn ka hadalay wasiirka xafiiska dhalinyarata iyo ciyaaraha DDSI ahna lataliyaha madaxwayanaha ee dhanka saxaafada mudane Maxamed Bile Xasan oo sheegay in qorshahan dhalinyarta shaqo abuurka loogu samaynaya yahay mid guud ahaanba dhalinyarta dalka lagaga saarayo camal la’aanta islamarkaana loo baahanyahay in dhalinyartu ka faaiidaystaan fursadan qaaliga ah ee aysan helin dhalinyartii ka horaysay. Wuxuuna wasiirku intaa kudaray in shaqo abuurka loo samaynayo dhalinyartan ay tahay mid muhiim ah islamarkaana ay tahay mid kali ah ee aan kaga bixi karno cadwageena koobaad oo ah saboolnimada.

Dhankiisa waxaa isana ka hadlay kulankan iskaashatooyinka dhalinyarta loogu gudoonsiiyay lacagihii shaqo abuurka loogu samaynayay maayarka MMW mudane Maxamuud Cabdi Muxumed oo  sheegay in dhalinyartan yihiin dhalinyartii iskaashatooyinka la iskugu xidhay ee shaqo abuurka loo samaynayay oo iskugu xidhan  22 iskaashato oo ka kooban  400 oo dhsalinyar ah islamarkaana isugu jira  iskaashatooyin kala duwan. Wuxuuna maayarku xusay in iskaashatooyinka dhalinyartan lagu wareejiyay lacagahan looga baahan yahay in ay kaalintooda kasoo baxaan oo ay kamidho dhaliyaan hadafka loo siiyay lacagahan  oo ah inaan la arag nin dhalinyaro ah oo bilaa camal ah iyo fikirka cidhiidhyoon ee mashaqaystanimadka .

Ugu danbayana waxaa dhankooda ka hadalay qaar kamid ah dhalinyartii iskaashatooyinka la iskugu xidhay ee lagu wareejiyay lacagihii oo sheegay inay aad iyo aad oogu faraxsanyihiin lacagahan lagu wareejiyay ee shaqo abuurka loogu samaynayo islamarkaana ay sidii loogu talagalay ooga faaiidaysan doonaan kana midho dhalin doonaan qorshaha loogu wareejiyay lacagtan. Waxayna intaa ku dareen ka dhabayn doonaan qorshaha lagula dagaalamayo la dagaalanka saboolnimada.